WAALID CAASIYADDA IYO QARAABA GOYNTU WAA XAARAAN

Alle weyne kor ahaaye wuxuu yiri:

134. "Oo ma waxaad ku dhaqaaqi laheydeen, haddii aad madax noqotaan, inaad dhulka fasahaadisaan, qaraabadiinnana goysaan. Waa kuwaasoo kale kuwa Alle naclado, markaasna uu dhego tiro, indhahana ka rido". Suuradda Muxammad: Aayadaha 22-23.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

135. "Kuwa axdiga Alle jebinaya adkaysiintiisii kaddib, goynayana wixii Alle faray in la xiriiriyo (sida qaraabada) oo dhulka fasahaadinaya, kuwaasu nacalad bay leeyihiin, daarta xumaantana waa leeyihiin". Suuradda Ar-Racad: Aayadda 25.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

136. "Rabbigaa wuxuu guddoonshey inaydaan caabudin waxaan isaga ahayn iyo wanaajinta labada waalid, haddii ay waayeelnimo agtaada ku soo gaarto midkood ama labadoodaba uf ha ku oran hana canaanan. qawl wanaagsan ku dheh una raarici garab nugul naxariis darteed, dhehna; Rabbiyoow u naxariiso sidii ay ii soo koriyeen". Suuradda Al-israa: Aayadaha 23-24.

336. Nufayc bin Xaaris (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: " Ma idiinka warramaa dembiyada waaweeyn? (seddex jeer buu ku celceliyey) Waxaynu niri: "Haa" Rasuul Alloow'. Wuxuu yiri: waa Alloo loo shariig yeelo iyo caasi waalidnimada (xusul baana u mudnaaye inta fariistay buu yiri) iyo been sheegidda iyo inaad markhaati been ah gasho". Aad buuna ugu celceliyey ilaa aan jecleesannay inuu joojiyo. (Bukhaari iyo Muslim)

337. Cabdullaah ibn Camar ibn al-Caas (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Waxaa ka mida dembiyada kabaa'irta ee waaweyn ee halista ah Alloo wax loo shariig yeelo, iyo waalidkoo lagu caasiyoobo, iyo naf la gooyo, iyo inaad been ku dhaarato". (Bukhaari)

338. Cabdullaah ibn Camar ibn al-Caas (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Inuu caayo qofku waalidki waa dambi weyn oo halis ah oo lagu halaagsamo". Dadkii waxay yiraahdeen: Rasuul Alloow! ma nin baa waalidkii caayi kara? Wuxuu ku jawaabay: ÒHaah, Haddii uu caayo qof kale aabihii, qofkii aabihi la caayey baa isna aarogoosasho ahaan caayaya kii wax caayey aabigii; haddii uu caayona qof kale hooyadi, qofkii la caayey hooyadii baa isna caayaya kii cayda billaabay hooyadii". (Bukhaari iyo Muslim)

Werin kale baa waxay leedahay: " dunuubta waaweyn ee halista ah waxaa ka mida in ninku waalidki naclado. Nin baa wuxuu weydiiyey: Rasuul Alloow! Sidee buu qofku waalidkiis u nacladayaa? Wuxuu yiri: " Kolkuu caayo qof kale aabihii, kii aabihii la caayey baa isna markiisa kii wax caayey aabihii caayaya, markuu qofku caayona ruux kale hooyadi, ruuxii hooyadi wax laga shegay baa isna caayaya kii kale hooyadiis".

339. Abuu Muxammad Jubayr ibn Mudcim (A.K.R.) wuxuu yiri: Qaraabo goys Janno ma gali doono. (Bukhaari iyo Muslim)

340. Abuu Ciisaa al-Muqiirah ibn Shucbah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: " Alle kor ahaaye wuxuu idinka xaaraanshey in hooyooyinka lagu caasiyoobo, bakhiilnimada, Boobka iyo Booliyenta (Dhaca iyo xoog ku qaadashada hanti iyo xoolo dad kale) iyo in nolol la xabaalo gabdhaha yaryar ee dhasha, raallina kama aha oo ma jecla ku tiri kuteenta iyo hadalka faa'ida la'aanta ah, su'aalaha badan iyo ku ciyaaridda maalka (ku bixintiisa waxaan faa'ido laheyn ama xaraan ah sida sigaarka, qaadka iwm.). (Bukhaari iyo Muslim)

logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Feed not found.

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1321549
Today
Yesterday
All days
357
2808
1321549
2025-11-07 04:08

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_690d70b062b3e1501419961762488496
title_690d70b0765da19600702031762488496
title_690d70b0766c97782517231762488496
title_690d70b0767a1160248041762488496
title_690d70b0768727629969481762488496
title_690d70b0769415765909541762488496

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_690d70b07762d14783465131762488496
title_690d70b07770115792517571762488496
title_690d70b0777d215636907021762488496
title_690d70b0778a27110361071762488496

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com