WAAJIBKA QOFKA KA SAARAN IN WIXII UU MAS'UUL KAYAHAY FARO ADEECIDDA ALLE, KA REEBONA KU CAASINTA ALLE, UUNA U CIQAABO KANA CELIYO HADDAY KHILAAN AMARADA ALLE

Alle weyne kor ahaaye wuxuu yiri:

125. "Oo far dadkaagaa cibaadada, ahowna mid ku sugan arrintaaoo daa'ima (yacni faridda dadkaaga cibaadada). Suuradda Daaha: Aayadda132.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

126. "Kuwa xaqa rumeeyoow! Ka ilaaliya naftiinna iyo ehelkiinaba naar shidaalkeedu yahay dadka iyo dhagaxaanta". Suuradda At-Taxriim:Aayadda 6

298. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Xasan ibn Cali (A.K.R.) baa wuxuu qaatay xabbad timir ah oo ka mid ahayd timir sadaqo ah, afkiisana geliyey. Markuu arkay Nebigu (S.C.W.) isagoo muujinaya ka xumaantiisa arrintaabuu yiri: (akh, akh), farayna inuu iska tuuro, oo ku yiri: Ma waadan ogeyn inaynaan sadaqada cunin". (Bukhaari iyo Muslim)

Werin kale waxaa ku soo arooray inuu nabigu (S.C.W.) yiri: " innaga xaggayaga(waxaa loola jeedaa reerka nabiga s.c.w. sadaqadu) nooma bannaana oo waainnaga xaaraan".

299. Abuu Xafs Cumar bin Abii Salamah Cabdullaah bin Cabdul Asad, ooah wiilkii Umm Salamah (A.K.R.) xaaskii Nabiga (S.C.W.) ay u dhashay ninkeediihore, wuxuu yiri: Anoo yar, oo gacanta nabiga (S.C.W.) ku jira waxaan yeelijiray inaan saxanka hadba meel ka qaato markaan raashinka cunayo. Wuxuu igu yiri Nebigu (S.C.W.) : "Maandhow bismilaah dheh, midigtana kucun, iyo raashinka wixii ku soo xiga". Intii ka dambeyseyna sidaasaan wax u cunaa. (Bukhaari iyo Muslim)

300. Xadiiskan horay buu noo soo maray. Wuxuu ka hadlayana waxaan kusoo sheegnay xadiiska tiradiisu tahay 283.

301. Camar ibn Shucayb (A.K.R.) wuxuu Aabihiis ka soo weriyey, Aabihiisna aabihi, in Nebigu (S.C.W.) yiri: "Markay ilmihiinnu gaaraan toddobosano salaada fara, una ciqaaba wixii khalad iyo gabood fal ah oo ay salaada ku sameeyaan markii ay toban jirsadaan, jiifkana u kala duwa (wiilasha iyo gabdhaha (markay toban jirsadaan)". (Abuu Daawuud) waa xadiis sanad wanaagsan. Imaam Daawuudbaa wuxuu ku weriyey sanad wanaagsan.

302. Abuu Surayrah Sabrah ibn Macbad al-Juhni (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu(S.C.W.) wuxuu yiri: "Markii ilmuhu gaaraan toddobo jir salaadabara, una ciqaaba (hadduu salaada ka sagsaago) markuu toban jirka yahay".(Abuu Daawuud iyo Tirmidi)

Wuxuu ku weriyey abuu Daawuud xadiiska lafdiga ah: far ilmaha inay oogaan salaada kolkay toddobo jirsadaan. Waa xadiis sanad wanaagsan.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1737798
Today
Yesterday
All days
1221
1629
1737798
2026-05-24 17:51

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6a133a9c26d9811947998391779645084
title_6a133a9c26de814661992781779645084
title_6a133a9c26e3317210394621779645084
title_6a133a9c26e7e19172204651779645084
title_6a133a9c26ec818974155821779645084
title_6a133a9c26f131934301501779645084

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6a133a9c39e1610802782411779645084
title_6a133a9c39e6413359391261779645084
title_6a133a9c39eb019485926381779645084
title_6a133a9c39efb7262599591779645084

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com