XURMEYNTA IYO U SAMA FALKA SAAXIIBADA WAALIDKA, QARAABADA, IYO XAASASKA IYO KUWA LA MIDKA AH EE MUDAN XURMADA

341. Ibn Cumar (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: " Baarinimo waxaa ugu saraysa inuu ninku u samo iyo axsaan falo aabihii saaxiibadiis". (Muslim)

342. Cabullaah ibn Diinaar (A.K.R.) wuxuu yiri: Cabdullaah ibn Cumar baa nin reer miyi ah wuxuu kula kulmay jidka isagoo Makka u socda. Cabdullaah ibn Cumar baa salaamay, oo yiri dameerka ila soo fuul uu fuushanaa, waxna ka fuuliyey, cimaamad madaxa u saarnaydna siiyey. Cabdullaah ibn Diinaar wuxuu yiri: Aniga ina Diinnaar ah baan waxaan iri: Ibn Cumar, khayr Allaha ku siiyee, ninku waa reer miyi oo wax yar buuba ku qanci lahaa (ee Maxaad waxaan oo axsaan iyo wanaag ah ula jeeddaa aad u galeyso?) Cabdullaah ibn Cumar (A.K.R.) wuxuu yiri: Ninkaan aabihiisaa aabahay (Cumar ibn Khadaab) saaxiibki ahaa waxaana nebiga (S.C.W.) ka maqlay isagoo leh: baarinimo waxaa u saraysa in uu ninku wanaajiyo oo uu axsaan iyo khery falo aabihiis saaxiibadiis. (Muslim)

Werin kale baa waxay leedahay: Cabdullaah ibn Diinaar wuxuu yiri: Ibn Cumar baa markuu Makkah u safro oo uu ka daalo ku socodka hal u wadan jiray, kaga wareegi jiray si uu ugu socdo dameer taasoo uu u arkayey inay ugu fududdahay hasha, wuxuuna madaxa ku xiran jiray cimaamad. Marka isagoo malin dameerkii fuushan baa waxaa ka hor yimid nin reer miyi ah, markaa buu (Cabdullaah ibn Cumar) ku yiri: Sow ma tihid ina hebel, ee uu dhalay hebel ina hebel hebel? Wuxuu yiri ninkii: Haah, markaasuu Cabdullaah dameerkii siiyey oo yiri: Kaxeyso; cimaamadiina siiyey oo yiri: Tanna madaxa ku xiro. Raggii la socdey baa qaarkood yiri: Dembigaaga Allaha dhaafee ma ninkan reer miyiga ah baad siisay dameerkii aad fuuli jirtey iyo cimaamaddii aad madaxa ku xiran jirteyba? Wuxuu yiri: Waxaan maqlay nebiga (S.C.W.) oo leh: Waa baarinimo sare inuu ninku wanaajiyo oo u axsaan falo saaxiibadii aabihiis dadkooda markuu aabihii dhinto kaddib. Ninkani aabihiisna wuxuu ahaa saaxiibka aabahay (Cumar ibn Khaddaab). (Muslim)

343. Abuu Usayd Maalik ibn Rabiicah as-Saacidi (A.K.R.) waxaa laga soo xigtay inay la fadhiyeen nabiga (S.C.W.) markii uu u yimid nin reer banii Salama ah oo ku yiri: Rasuulkii Alloow! Ma jiraan haatan wax un aan wax ugu gali karo oo wanaag iyo samaan ah labadaydii waalid dhimashadooda kaddib?. Nabigu (S.C.W.) wuxuu ku jawaabay: "Haah, waa in loo duceeyaa oo loo dembi dhaaf iyo naxariis dalbaa, oo ballankii ay ka tageen la oofiyaa, oo qaraabada xaggooda ka soo jeeda la wanaajiyaa oo loo samaan iyo axsaan falaa, saaxiibadoodna la xurmeeyaa". (Abuu Daawuud)

Sh. al-Baani wuxuu yiri xadiiskan waa daciif, aan xujo iyo daliil ahaan loo cuksan kareyn.

344. Caa'isha (A.K.R.) waxay tiri: Ugama maseyri jirin si aad ah xaasaska kale ee nabiga (S.C.W.) sidii badneyd aan Khadiijo uga masayri jirey oo kale, inkastoo aanan weligey arag. Nabiga (S.C.W.) baa in badan hadal hayn jirey. Mar kastoo neef la qalana, intuu qaybo u googooyo buu qayb u diri jirey Khadiijo saaxiibadeed.

Werin kale waxay leedahay: Waxaan ku oran jiray nabiga (S.C.W.) " Waxaad mooddaa markii aad ka hadleyso Khadiija inaysan aduunka nag kaleba jirin!. Markaasuu wuxuu yiraahdaa: Waxay aheyd haweeney wanaagsan, carruuna waa ii dhashay. (Bukhaari iyo Muslim)

Werin kale baa waxay ahayd: Mar walba uu ri qalo, wuxuu si joogto ah ugu diri jiray qaybo hilibka ka mid ah Khadiijo saaxiibadeed hadiyad ahaan, wuxuuna ka siin jiray in deeqda oo ku filan.

Werin kalena waxay aheyd: Marka ri'da la qalo wuxuu oran jiray: u geeya qaybo ka mida Khadiijo saaxiibadeed.

Marna waxaa dhacay, in Haalah bint Khuwaylad, Khadiijo walaasheed ay idan weydiisatay nebiga (S.C.W.) inay u soo gasho. Wuxuu is yiri armay Khadiijo tahay, aad buuna u laab kacay nabiga (S.C.W.) hillow iyo jaceyl darti (waayo labada walaalo Haalah iyo Khadiijo isku cod bay ahaayeen). Markaasuu kor u dhawaaqay isagoo leh: Allahayow tani waa Haalah bint Khuwaylad.

345. Anas ibn Maalik (A.K.R.) wuxuu yiri: Waxaan mar isla safarnay Jariir ibn Cabdullaah al-Bujali (A.K.R.) markaasuu ii adeegaa mar walba, inkastoo uu iga weynaa da'ahaan (yacni uu ka weynaa Anas (A.K.R.) Markaasaan anigu (Anas A.K.R) ku iri: Fadlan sidaa ha yeelin. Wuxuu ku jawaabay: Waxaan arkay Ansaarta (Kuwii xaqa rumeeyey ee horay Madiina u degganaa) oo ugu adeegaya nebiga (S.C.W.) sidaa daacadda leh iyo wanaagga, markaa baan waxaan dhaar ku maray haddii aan qof is raacno asxaabtii nebiga ka mida in aan u adeego. (Bukhaari iyo Muslim)

logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Feed not found.

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1321549
Today
Yesterday
All days
357
2808
1321549
2025-11-07 04:08

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_690d70b062b3e1501419961762488496
title_690d70b0765da19600702031762488496
title_690d70b0766c97782517231762488496
title_690d70b0767a1160248041762488496
title_690d70b0768727629969481762488496
title_690d70b0769415765909541762488496

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_690d70b07762d14783465131762488496
title_690d70b07770115792517571762488496
title_690d70b0777d215636907021762488496
title_690d70b0778a27110361071762488496

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com