20. Suáal: Waa maxay “tawxiidku”?

20. Jawaab: Tawxiidku waa keli ahaanta Ilaahay oo la qiro, waana aasaaska ugu horreeya ee diinta islaamka, waana macnaha “Laa Ilaaha illa Laahu”.

21. Suáal: Waa imisa qaybood tawxiidku maxayse kala yihiin?

21. Jawaab: Tawxiidka waxaa loo qaybiyaa saddex qaybood oo kala ah (qeexidda magacyada tawxiidka ee kala duwan waxaad ka fahmi suáalaha ku xiga);

  • Tawxiidu rubuubiya= Rabbinimada
  • Tawxiidu Uluuhiya= Ilaahnimada
  • Tawxiidu al-asmaa wa-sifaat.

22. Suáal: Waa maxay Tawxiidu-rubuubiyah?

22. Jawaab: Tawxiidu rubuubiyah waa in la qiro jiritaanka Ilaahay iyo in aan Eebbe cidi la wadaagin falalkiisa, tusaale ahaan:

  • Waa in la rumeeyo inuu Ilaahay kelidii (keligii) maamulo adduunka oo dhan nolol iyo dhimashoba, kelidiina wax arsaaqo.
  • Waa in la rumeeyo inuu Alle wax walba awoodo.

23. Suáal: Qofkii qira tawxiidu-rubuubiyah, ma ugu filantahay intaasi in lagu sheego muslin?

23. Jawaab: Maya, tawxiidu-rubuubiyah kelidii islaam laguma noqdo, maxaa yeelay? Dadka intooda badan way rumaysanyihiin jiritaanka Ilaahay. Gaaladii carbeed ee Nabi Muxammed (SCW) loo dirayna way wada qirsanaayeen in Ilaahay wax abuuro, wax dilo, waxna nooleeyo, waxna arsaaqo, laakiin intaas islaam kumay noqon sababtoo ah wax ka dhinnaa tawxiidu-Uluuhiyah!

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1737512
Today
Yesterday
All days
935
1629
1737512
2026-05-24 17:09

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6a1330e6210c817575776841779642598
title_6a1330e62112c21179645021779642598
title_6a1330e62118d5802540491779642598
title_6a1330e6211d47138928631779642598
title_6a1330e62122e837376631779642598
title_6a1330e62128c556046711779642598

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6a1330e63e07b4716977251779642598
title_6a1330e63e0cc20117949761779642598
title_6a1330e63e11914243062181779642598
title_6a1330e63e16420040283721779642598

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com