16. Suáal: Waa maxay tiirka koowaad ee Arkaanul-iimaanku?

16. Jawaab: Tiirka koowaad ee arkaanul-iimaanku waa “in Ilaahay la rumeeyo”.

17. Suáal: Waa gartay in ay ugu horrayso arkaanul-iimaanka in la rumeeyo Ilaahay. Haddaba waa maxay “in Ilaahay la rumeeyo”?

17. Jawaab: In Ilaahay la rumeeyo waxay tahay:

  • In la rumeeyo inuu Alle jiro.
  • In la rumeeyo inuu Alle wax walba abuuray oo isagu adduunka maamulo nolol iyo dhimashoba, isla markaana uu isagu makhluuqa kala xukumi doono.
  • In la rumeeyo inuu kelidii caabudid xaq u leeyahay.
  • In la qiro magacyadiisa iyo sifooyinkiisa.

(Makhluuqa = uunka, waxa la abuuray. Waxaa soo hoos gelaya wax kasta oo jira Alle mooyaane.

18. Suáal: Tiirka koowaad ee arkaanul-iimaanka oo ah; “In Ilaahay la rumeeyo” iyo tiirka koowaad ee arkaanul-islaamka qaybtiisa hore oo ah “Laa Ilaaha illa laahu” maxay ku kala duwan yihiin?

18. Jawaab: “In Ilaahay la rumeeyo” iyo Laa ilaaha Illa laahu”, way isa soo dhex gelayaan, laakiin “Laa Ilaah illa Laahu” oo ah kelmaddii tawxiidka, ayaa ujeeddada islaamka sii caddaynaysa.

19. Suáal: Waa maxay kelmadda tawxiidku?

19. Jawaab: Kelmadda tawxiidku waa Laa ilaaha illa Laahu.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1737512
Today
Yesterday
All days
935
1629
1737512
2026-05-24 17:09

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6a1330e6210c817575776841779642598
title_6a1330e62112c21179645021779642598
title_6a1330e62118d5802540491779642598
title_6a1330e6211d47138928631779642598
title_6a1330e62122e837376631779642598
title_6a1330e62128c556046711779642598

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6a1330e63e07b4716977251779642598
title_6a1330e63e0cc20117949761779642598
title_6a1330e63e11914243062181779642598
title_6a1330e63e16420040283721779642598

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com