13. Suáal: Gartay in ay isa soo gelayaan “Laa ilaaha illa Laahu” iyo “In Ilaahay la rumeeyo”, balse sidee ayey shanta tiir ee dambe ee arkaanul-iimaanku u soo hoos gelayaan qiritaanka: “Muxammed waa Rasuulkii Alle”?

13. Jawaab: Marka la qiro inuu Muxammed (scw) Rasuulkii Alle yahay, waxaa la rumeeyey rasuullada Ilaahay, maxaa yeelay Nebi Muxammed (scw) wuxuu ka mid yahay Ilaahay rasuulladiisa. Haddii la qiro inuu Muxammed (scw) rasuulkii Alle yahay waxaa la rumeeyey kutubtii Ilaahay, maxaa yeelay Muxammed (scw) wuxuu Rasuul ku noqday in Kitaabka Quráanka ah loo soo dhiibay, quráankuna wuxuu ka mid yahay kutubta Alle.

Rumeynta Nebi Muxammed (scw) waxaa soo hoos gelaya, rumeynta wax alla wixii uu ka warramay. Sidoo kale in la rumeeyo quraanka waxaa soo hoos gelaya, rumeynta wax alla wixii quraanku sheegay. Haddaba malaaígta Ilaahay iyo qaddarka Ilaahay iyo yoomal-qiyaamaha, saddexdaba waxaa ka warramay Nebi Muxammed (scw), Quráankuna wuu sheegay. Sidaas ayey isu soo hoos gelayaan arkaanul-islaamka iyo arkaanul-iimaanku. Sidaas darteed ayaa qofkii beeniya qodob ka mid ah arkaanul-islaam ama arkaanul-iimaanka uu ula mid yahay mid beeniyey wixii oo dhan.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1737512
Today
Yesterday
All days
935
1629
1737512
2026-05-24 17:09

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6a1330e6210c817575776841779642598
title_6a1330e62112c21179645021779642598
title_6a1330e62118d5802540491779642598
title_6a1330e6211d47138928631779642598
title_6a1330e62122e837376631779642598
title_6a1330e62128c556046711779642598

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6a1330e63e07b4716977251779642598
title_6a1330e63e0cc20117949761779642598
title_6a1330e63e11914243062181779642598
title_6a1330e63e16420040283721779642598

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com