256- Wuxuu yiri s.c.w :{laba kalmadood
oo khafiif ku ah carrabka, kuna culus
miisaanka, looguna jacaylbadanyahay
xagga raxmaanka, subxaanallaahi wa
bixamdihi, subxaanallaahilcadiim}.

257- Wuxuu yiri s.c.w : {in aan dhaho
subxaanallahi walxamdulillaahi walaa
ilaaha illallaahu wallaahu akbar ayaan
ka jeclahay waxa ay qorraxdu ku soo
baxday oo dhan}.

258- Wuxuu yiri s.c.w:{ma ka caajisayaa
midkiin in uu kasbado maalin kasta kun
xasano(ajir)? Markaasuu weydiiyay weydiiye kamid ahaa dadkii la fadhiyay: sidee
u kasban karaa midkanagu kun xasano?
Wuxuu yiri rasuulku s.c.w:{wuxuu tasbiixsanayaa boqol tasbiixasho markaasaa
loo qori kun xasano, lagana hoobin kun
khadii-o (danbi).

259- {qofkii yiraahda : (subxaanallaahilcadiim wa bixamdihi) waxaa loogu beer-

ayaa jannada dhexdeeda geed timir ah}.

ŮŽ260- Wuxuu yiri s.c.w : cabdilaahi ibnu
qaysow {ma ku tusaa kayd kaydadka
jannada kamid ah? Wuxuu yiri: haa i
tusi, wuxuu yiri rasuulku s.c.w:{waxaad
tiraahdaa:( laa xawla walaa quwwata
illaa billaahi}.

logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Feed not found.

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1321212
Today
Yesterday
All days
20
2808
1321212
2025-11-07 00:06

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_690d37fe99f215256251381762473982
title_690d37fe9a0006877169121762473982
title_690d37fe9a15713290936081762473982
title_690d37fe9a227831224981762473982
title_690d37fe9a2f47883165581762473982
title_690d37fe9a3c27008071981762473982

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_690d37fe9b10c1507407201762473982
title_690d37fe9b1e817972130001762473982
title_690d37fe9b2b917847128861762473982
title_690d37fe9b38710409842191762473982

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com