MAXAA BANAAN IN LA SAMEEYO MAALINTA CIIDDA ADXAA ? 

Waxaa sharci ah maalinka ciidda adxada – carrafo – qofka aan xaajiga ahayn wax kasta oo la jideeyey maalinta ciidda fidarka, aan horay ugu soo xusnay ( bogga 153 ) marka laga reebo sakada fitarka waayo waxay ku gaar tahay ciidda fidarka oo keliya.

Waxaana ku gaar ah ciidda adxada  -Carrafo- in diintu dhiirra gelisey oo lagu helo ajar badan gowraca udxiyad u dhowaansho xagga Allaah darteed.

Udxiyada: Oo ah waxa la gowraco ee ah geel ama lo’ ama ari u dhowaansho Allaah darteed maalinka ciidda adxada  kaddib salaadda cidda ilaa qorrax dhaca maalinka seddex iyo tobnaad ee bisha Dul Xijjah  -Carafo- Allaah Kor ahaaye wuxuu yiri:
“Ee u tuko Rabbigaa darti, oo u gowrac (xoolaha ugu dhowaansho Isaga Keliya) (Al-Kowthar: 2)
Waxaana lagu fasiray salaadda ciidda iyo udxiyada. 

Xukunkeeda: waa sunno lagu adkeeyey qofkii awooda, wuxuu ka gowracayaa muslimka naftiisa iyo reerka gurgiisa. 

Waxaana sharci ah qofkii doonaya inuu udxiyo qalo inuusan waxba ka goyn timahiisa, iyo ciddiyahiisa iyo oogadiisa laga billaabo maalinta koowaad ee bisha Dul Xijjah ilaa gowraca udxiyada.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1737950
Today
Yesterday
All days
1373
1629
1737950
2026-05-24 18:07

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6a133e719641d19891752081779646065
title_6a133e719646d3263929281779646065
title_6a133e71964ba10738125571779646065
title_6a133e719650a919963291779646065
title_6a133e71965568832117031779646065
title_6a133e71965a213735441971779646065

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6a133e71aa63d4993820121779646065
title_6a133e71aa68e18774601381779646065
title_6a133e71aa6db9530960491779646065
title_6a133e71aa7296632955661779646065

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com