ISU KAASHIGA KHEYRKA IYO SAMA FALKA

Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

82. “ Isu kaashada ilaalinta iyo dhowrista xilka Alle idin saaray iyo samaan falidda”. Suuradda Al-Maa’idah: Aayadda 2.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

83. “ Waayahaan ku dhaartaye Aadanuhu khasaaruu ku sugan yahay kuwa xaqa rumeeyey ma ahee oo camalka wanaagsan falay, oo xaqa isu dardaarmay, samirkana isu dardaarmay”. Suuradda Al-Casar 1-3.

177. Abuu Cabdur Raxmaan Zayd ibn Khaalid al-Juhani (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ‘ Ninkii diyaariya oo qalabeeya nin mujaahid ah oo dar Alle u jihaadaya waa sida isagoo jihaadkii ka qayb galay (oo u diriray Alle darti) ninkii daryeela oo dhaqaaleeyana nin mujaahid ah oo Alle darti jihaad ugu maqan reerkiisii oo u sii hayaa waa sida nin isagu jihaadkii ka qayb qaatay, oo diriray’. (Bukhaari iyo Muslim)

178. Abuu Saciid Al-Khudri (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigaa (S.C.W.) wuxuu u diray qolo dagaalyahanno ah inay dagaal jihaad ah ku qaadaan qabiil la yiraahdo Banii Laxyaan oo ka tirsan reer Hudeyl wuxuuna ku yiri nimankii dagaalyahannada uu u dirayey qoladaa: Labadii ninba waa inuu mid isu diyaariyaa inuu jihaadkaa aado oo ka qayb galo. Laakiin labaduba waxay leeyihiin ajar isku mid ah’. (Muslim)

179. Ibn Cabbaas (A.K.R.) wuxuu yiri: nebigaa (S.C.W) kula kulmay qoon awr fuushan meesha Raxwaa la yiraahdo wuxuuna weydiiyey cidda ay yihiin. Waxay u sheegeen inay yihiin muslimiin. Iyaguna waxay weydiiyeen cid uu yahay wuxuu yiri ÒRasuulkii AlleÓ Markaasaa haweeney inta ilma kor u qaadday tiri; kan xaj ma aadi karaa? Wuxuu yiri: “ Haah, Ajar baana kuugu sugan.’ (Muslim)

180. Abuu Muusaa Al-Ashcari (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: " Khasnajiga muslimka ah ee aamminka ah waa kaa guta xilka iyo howlaha loo dhiibay ee lagu aaminay, bixinaya wixii bixi la yiraahdo isagoo siinaya wixii sii la yiri oo dhan ciddii lagu yiri sii, isagoo raalli ah, uur fayow. Khasnajigaa wuxuu la mid yahay kii wax sadaqeystay. (Bukhaari iyo Muslim)

Back Home 

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1737798
Today
Yesterday
All days
1221
1629
1737798
2026-05-24 17:51

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6a133a9c26d9811947998391779645084
title_6a133a9c26de814661992781779645084
title_6a133a9c26e3317210394621779645084
title_6a133a9c26e7e19172204651779645084
title_6a133a9c26ec818974155821779645084
title_6a133a9c26f131934301501779645084

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6a133a9c39e1610802782411779645084
title_6a133a9c39e6413359391261779645084
title_6a133a9c39eb019485926381779645084
title_6a133a9c39efb7262599591779645084

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com