Cibaado sii badinta sii cimri gabowga iyo ugu yeeridda Dadka taa

Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

48. " Mawaannaan idiin siin cimriin mid waansamayaa ku waansami karo? diguhuna (nebi Muxammad s.c.w.) uusanidiin imaan?). Suuradda Faadir: Aayadda 37

Imaam Nawawi wuxuu yiri sida ay yiraahdeen Ibni Cabaas iyo rag kalebacimri dhererka waa ilaa lixdan jir. qaar waxay ku sheegaan qaan gaaridda(yacni waa 18jir) bay yiraahdee; iimaammada Xasan, Kalabi, iyo Masruuq waxay ku fasireen 40 jir. Madiina Culimadeedii waxay oran jireen qofku markuugaaro 40jir waxaa la gudboon cibaado sii badinta.

112. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:" Alle Fursad buu siiyey uu ku toobad keeni karo qof uu u kaadiyeyilaa uu lixdan ka gaarey'. (Bukhaari)

113. Ibn Cabbaas (A.K.R.) wuxuu yiri: Cumar (A.K.R.) baa wuxuu ila fariisinjirey si aan talada wax ugu yeesho duqaydii ka qayb gashay dagaalkii Badar.Qaar asxaabtii ka mid ah (odayaasha soo xaadira fadhiga ) bay yari dhibtayoo yiri: Muxuu Cumar wiilka noola fariisinayaa oo uu uga qayb gelin wadatashigeenna, isagoo wiilkani wiilashayada la fac ah? Cumar baa wuxuu kuyiri: Wuxuu ka soo jeedaa halka aad wax ka barateen (guriga nabiga (S.C.W.).Wuxuu igu casumay maalin golahiisii iyagoo jooga, waxaana u qaatay inuusidaa u yeelay oo keliya inuu tusiyo meherada iyo aqoontayda. Wuxuu weydiiyey:Maxaad ka leedihiin qowlka Alle ee ah: ÒIdaa jaa nasrullaah walfatxu(Haddii uu hiilka Alle yimaado iyo furashada) qaarkood waxay yiraahdeen:Aayaddan waxaa nalaku faray inaan Alle mahadinno oo dembi dhaaf weydiisannomarkii uu noo hiilliyo oo guusha na siiyo. Qaarna waa aammuseen oo waxbama oran. Cumar baa wuxuu igu yiri: Ibn Cabbaas? Ma sidaasaad adna leedahay?Waxaan iri: "May". Markaa buu i yiri maxaad leedahay? Waxaaniri: waa ajashii nebiga (S.C.W.) oo la ogeysiiyey, macnuhuna waa; (markiiay hiilka Alle iyo guushu furasho yimaadaan) taasi waa Calaamaddii ajashaada'e(ku tasbiixso mahadda Rabbigaa dembi dhaafna weydiiso; Run ahaantii isaguAlle waa toobad aqbale naxariis taaga (fidiya). ' Cumar (A.K.R.)Wuxuu yiri: Uma aqaan si aan ahayn sidaas aad ku sheegtay (ina Cabbasow)".(Bukhaari)

114. Caa'isha (A.K.R.) waxay tiri: Nebigu (S.C.W.) Markii aysoo degtey suuradda (An-nasar - idaa jaa-) kaddib. Nabiga (S.C.W.) wuxuu oran jiray salaaddii uu tukadaba: (Subxaanaka, Rabbanaa wabixamdika. Allaahummaqfirlii).

" Rabbiyoow adaa hufan oo aan ku mahadinayaa, Alloow ii dembidhaaf " (Bukhaari iyo Muslim) Werin kale baa leh oo isla Caa'isha laga soo weriyey, oo Bukhaari iyo Muslim ku sugan: Nebigu (S.C.W.) wuxuu badin jirey intuu rukuucsan yahay ama sujuudsan yahay qowlka ah (subxaanaka Rabbanaa wa bixamdika Allaahummaqfirlii). 'Rabbiyow adaa hufan oo aan ku mahadinaynaa, Allow ii dembi dhaaf' (isagoo Quraanka ka shidaalqaadanaya, kuna fartoomaya). Werin kale oo Muslim ku sugan ayaaiyana ahayd: Nebigu (S.C.W.) dhimashadiisii horteedii wuxuu ku celcelinjirey qowlka: " Subxaanaka Allaahumma wabixamdika astaqfiruka wa-atuubuilayk"

' Rabbiyow adaa hufan oo aan ku mahadineynaa, Alloow adaan dambidhaaf ku weydiisanayaa, kuuna toobad keeni' .

Waxaan (aniga Caa'isha ah) weydiiyey: ): Rasuul Alloow waa maxaykelmedahaan aad leedahay oo aadan awel oran jirin? Wuxuu yiri: ' Ummaddaydadhexdeedaa la ii yeelay calaamo markii aan arko aan iraahdo kelmadahaa;Markaa buu akhriyey suuradda An-nasar -idaa jaa'a.

Werin kale waxay leedahay: Nebiga (S.C.W.) wuxuu in badan oran jirey:' Subxaanallaah wa bixamdihi, astaqfirullaaha wa atuubu ileyh'.

' Alloow adaa hufan oo mahad leh, Alle ayaan dambi dhaaf weydiisanayaa,oo aan u toobad keeni'.

Caa'ishaa waxay ku tiri: Rasuul Alloow waa adiga ku celcelinaya(subxaanallaahi wa bixamdih, Astaqfirullaaha wa atuubu ileyh) ee maxaadhacay? Wuxuu yiri: ' Rabbigaybaa wuxuu ii sheegay inaan ummaddaydacalaamad ka arki doono, markii aan arkana, aan badsado qowlka ah : ' Subxaanallaahi wa bixamdih astaqfirullaaha wa atuubu ileyhi' waana arkay calaamaddaa. Imaashada hiilka Alle iyo guushu waa-furashada Makkah -calaamaddunawaxay aheyd inaan arko dadkii oo soo galaya diinta Alle iyagoo rac raciyo kooxo ah Markaana waxaa la i faray: Ku tasbiixso mahadda Rabbigaa,dembi dhaafna weydiiso. Isagu Alle waa naxariis badane toobad aqbala'.

115. Anas (A.K.R.) wuxuu yiri: ÒAlle weyne kor ahaaye waxyigawaa iska daba keenayey markii uu Nebigu (S.C.W.) dhiman rabey oo waxyigusidii hore waa ka badnaa ilaa uu ka dhintayÓ. (Bukhaari iyo Muslim)

116. Jaabir (A.K.R.) wuxuu yiri; Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ' addoonwalba wixii iyo xaaladii uu ku sugnaa markii uu dhintay baa lagu soo bixinayaa".(Muslim)

logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Feed not found.

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1321549
Today
Yesterday
All days
357
2808
1321549
2025-11-07 04:08

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_690d70b062b3e1501419961762488496
title_690d70b0765da19600702031762488496
title_690d70b0766c97782517231762488496
title_690d70b0767a1160248041762488496
title_690d70b0768727629969481762488496
title_690d70b0769415765909541762488496

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_690d70b07762d14783465131762488496
title_690d70b07770115792517571762488496
title_690d70b0777d215636907021762488496
title_690d70b0778a27110361071762488496

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com