Cibaado sii badinta sii cimri gabowga iyo ugu yeeridda Dadka taa

Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

48. " Mawaannaan idiin siin cimriin mid waansamayaa ku waansami karo? diguhuna (nebi Muxammad s.c.w.) uusanidiin imaan?). Suuradda Faadir: Aayadda 37

Imaam Nawawi wuxuu yiri sida ay yiraahdeen Ibni Cabaas iyo rag kalebacimri dhererka waa ilaa lixdan jir. qaar waxay ku sheegaan qaan gaaridda(yacni waa 18jir) bay yiraahdee; iimaammada Xasan, Kalabi, iyo Masruuq waxay ku fasireen 40 jir. Madiina Culimadeedii waxay oran jireen qofku markuugaaro 40jir waxaa la gudboon cibaado sii badinta.

112. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:" Alle Fursad buu siiyey uu ku toobad keeni karo qof uu u kaadiyeyilaa uu lixdan ka gaarey'. (Bukhaari)

113. Ibn Cabbaas (A.K.R.) wuxuu yiri: Cumar (A.K.R.) baa wuxuu ila fariisinjirey si aan talada wax ugu yeesho duqaydii ka qayb gashay dagaalkii Badar.Qaar asxaabtii ka mid ah (odayaasha soo xaadira fadhiga ) bay yari dhibtayoo yiri: Muxuu Cumar wiilka noola fariisinayaa oo uu uga qayb gelin wadatashigeenna, isagoo wiilkani wiilashayada la fac ah? Cumar baa wuxuu kuyiri: Wuxuu ka soo jeedaa halka aad wax ka barateen (guriga nabiga (S.C.W.).Wuxuu igu casumay maalin golahiisii iyagoo jooga, waxaana u qaatay inuusidaa u yeelay oo keliya inuu tusiyo meherada iyo aqoontayda. Wuxuu weydiiyey:Maxaad ka leedihiin qowlka Alle ee ah: ÒIdaa jaa nasrullaah walfatxu(Haddii uu hiilka Alle yimaado iyo furashada) qaarkood waxay yiraahdeen:Aayaddan waxaa nalaku faray inaan Alle mahadinno oo dembi dhaaf weydiisannomarkii uu noo hiilliyo oo guusha na siiyo. Qaarna waa aammuseen oo waxbama oran. Cumar baa wuxuu igu yiri: Ibn Cabbaas? Ma sidaasaad adna leedahay?Waxaan iri: "May". Markaa buu i yiri maxaad leedahay? Waxaaniri: waa ajashii nebiga (S.C.W.) oo la ogeysiiyey, macnuhuna waa; (markiiay hiilka Alle iyo guushu furasho yimaadaan) taasi waa Calaamaddii ajashaada'e(ku tasbiixso mahadda Rabbigaa dembi dhaafna weydiiso; Run ahaantii isaguAlle waa toobad aqbale naxariis taaga (fidiya). ' Cumar (A.K.R.)Wuxuu yiri: Uma aqaan si aan ahayn sidaas aad ku sheegtay (ina Cabbasow)".(Bukhaari)

114. Caa'isha (A.K.R.) waxay tiri: Nebigu (S.C.W.) Markii aysoo degtey suuradda (An-nasar - idaa jaa-) kaddib. Nabiga (S.C.W.) wuxuu oran jiray salaaddii uu tukadaba: (Subxaanaka, Rabbanaa wabixamdika. Allaahummaqfirlii).

" Rabbiyoow adaa hufan oo aan ku mahadinayaa, Alloow ii dembidhaaf " (Bukhaari iyo Muslim) Werin kale baa leh oo isla Caa'isha laga soo weriyey, oo Bukhaari iyo Muslim ku sugan: Nebigu (S.C.W.) wuxuu badin jirey intuu rukuucsan yahay ama sujuudsan yahay qowlka ah (subxaanaka Rabbanaa wa bixamdika Allaahummaqfirlii). 'Rabbiyow adaa hufan oo aan ku mahadinaynaa, Allow ii dembi dhaaf' (isagoo Quraanka ka shidaalqaadanaya, kuna fartoomaya). Werin kale oo Muslim ku sugan ayaaiyana ahayd: Nebigu (S.C.W.) dhimashadiisii horteedii wuxuu ku celcelinjirey qowlka: " Subxaanaka Allaahumma wabixamdika astaqfiruka wa-atuubuilayk"

' Rabbiyow adaa hufan oo aan ku mahadineynaa, Alloow adaan dambidhaaf ku weydiisanayaa, kuuna toobad keeni' .

Waxaan (aniga Caa'isha ah) weydiiyey: ): Rasuul Alloow waa maxaykelmedahaan aad leedahay oo aadan awel oran jirin? Wuxuu yiri: ' Ummaddaydadhexdeedaa la ii yeelay calaamo markii aan arko aan iraahdo kelmadahaa;Markaa buu akhriyey suuradda An-nasar -idaa jaa'a.

Werin kale waxay leedahay: Nebiga (S.C.W.) wuxuu in badan oran jirey:' Subxaanallaah wa bixamdihi, astaqfirullaaha wa atuubu ileyh'.

' Alloow adaa hufan oo mahad leh, Alle ayaan dambi dhaaf weydiisanayaa,oo aan u toobad keeni'.

Caa'ishaa waxay ku tiri: Rasuul Alloow waa adiga ku celcelinaya(subxaanallaahi wa bixamdih, Astaqfirullaaha wa atuubu ileyh) ee maxaadhacay? Wuxuu yiri: ' Rabbigaybaa wuxuu ii sheegay inaan ummaddaydacalaamad ka arki doono, markii aan arkana, aan badsado qowlka ah : ' Subxaanallaahi wa bixamdih astaqfirullaaha wa atuubu ileyhi' waana arkay calaamaddaa. Imaashada hiilka Alle iyo guushu waa-furashada Makkah -calaamaddunawaxay aheyd inaan arko dadkii oo soo galaya diinta Alle iyagoo rac raciyo kooxo ah Markaana waxaa la i faray: Ku tasbiixso mahadda Rabbigaa,dembi dhaafna weydiiso. Isagu Alle waa naxariis badane toobad aqbala'.

115. Anas (A.K.R.) wuxuu yiri: ÒAlle weyne kor ahaaye waxyigawaa iska daba keenayey markii uu Nebigu (S.C.W.) dhiman rabey oo waxyigusidii hore waa ka badnaa ilaa uu ka dhintayÓ. (Bukhaari iyo Muslim)

116. Jaabir (A.K.R.) wuxuu yiri; Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ' addoonwalba wixii iyo xaaladii uu ku sugnaa markii uu dhintay baa lagu soo bixinayaa".(Muslim)

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1630444
Today
Yesterday
All days
1153
1745
1630444
2026-04-03 10:57

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_69cf9d10ef0a613935314511775213840
title_69cf9d10ef10b14931523571775213840
title_69cf9d10ef169480722461775213840
title_69cf9d10ef1c512528666771775213840
title_69cf9d10ef2216009955091775213840
title_69cf9d10ef27c6583143621775213840

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_69cf9d1110e9a15438834551775213841
title_69cf9d1110eea6029258381775213841
title_69cf9d1110f362970287401775213841
title_69cf9d1110f8216490610421775213841

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com