CAQIIDADA MUSLIMIINTA
Su’aalo iyo Jawaabo ku saabsan Caqiidada Islaamka

1. Su’aal: Muxuu yahay waajibka qof kasta laga doonayo (faradka cayniga ah) ee cilmiga diinta ka mid ah?
Jawaab: Waxaa ku waajib ah qof kasta oo qaangaar ah in uu barto qayb lama huraan ah oo ka mid ah caqiidada iyo dahaarada iyo salaadda iyo soonka iyo sakada qofkii ay ku waajibayso (sekadu) iyo xajka qofkii awooda, iyo (waxyaabaha keenaya) macsida qalbiga iyo gacanta iyo isha iwm. Eebbe wuxuu yiri: (Waxaad dhahdaa miyay simanyihiin kuwa wax yaqaan iyo kuwa aan wax aqoon) az-zumar: 9.
Xadiiska: “Doonista cilmigu waxay farad ku tahay muslim kasta” waxaa weriyay al-Bayhaqi.

2. Su’aal: Maxay tahay xigmadda ku jirta abuurista jinniga iyo aadanaha?
Jawaab: Waa in uu Eebbe faro cibaadadiisa. Wuxuu yiri kor ahaayee: (Uma uumin Jinniga iyo Insiga in ay I caabudaan mooyee) ad-Daariyat:56.
Xadiiska: “Xaqa uu Eebbe ku leeyahay addoomaha waa in ay caabudaan oo aanay ula shirko yeelin wax kale” waxaa weriyay labada sheikh.

3. Su’aal: Cibaadadu sidee ku ansaxaysaa?
Jawaab: Cibaadada Eebbe waxay ka ansaxaysaa qofkii rumaysan jiritaanka Ilaahay ee aan cid uunkiisa ka mid ah ku shabbahayn. Wuxuu Eebbe yiri kor ahaayee: (Wax ekaankiisa ahi ma jiraan)as-Shuuraa:11. Nabiguna nabadgelyo iyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee, wuxuu yiri: “Fikirku haleeli maayo Eebbe” Waxaa soo weriyay Abul Qaasim al-Ansaari. Wuxuu yiri Al-Gasali: “Ansixi mayso cibaadadu kolka Eebbe la aqoonsado kadib haddii aanay ahayn”.

4. Su’aal: Maxaa Eebbe u soo diray nabiyaasha?
Jawaab: Wuxuu Eebbe u soo diray nabiyaasha si ay u baraan dadka arrimaha diintooda iyo adduunyadooda, iyo in ay dadka ugu yeeraan cibaadada Eebbe iyo in aysan Eebbe wax kale ula shirko yeelin. Wuxuu yiri kor ahaayee: (Wuxuu soo diray Eebbe Nabiyaalka ayaga oo bishaaraynaya oo digaya) al-Baqarah: 213.
Xadiiska: “Waxaa ugu fadli badan wixii aan dhahnay aniga iyo nabiyaashii iga horreeyay: Ilaah mooyee Ilaah kale ma jiro” waxaa weriyay al-Bukhaari.

5. Su’aal: Towxiidka Maxaa macnihiisu yahay?
Jawaab: Waa in Ilaaha soo jireenka ah laga reebo waxyaabaha dhacdooyinka ah sida uu u sheegay al-imaam al-Junayd, wuxuuna uga jeedaa kan soo jireenka ah Eebbaha aan jiritaankiisu billowga lahayn, dhacdooyinkuna waa uunka. Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri: (Ma jiraan wax Ekaankiisa ah) ash-shuuraa:11.
Xadiiska: waxaa la waydiiyay nabiga nabadgelyo iyo naxarisii korkiisa ha ahaatee: falkee ugu fadli badan falalka kolkaas buu yiri: Eebbe iyo Nabigiisa oo la rumeeyo” Waxaa soo weriyay al-Bukhaari.

logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Feed not found.

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1026740
Today
Yesterday
All days
1660
1661
1026740
2025-05-23 18:39

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6830c0c49e04b18267907921748025540
title_6830c0c49e12313860540821748025540
title_6830c0c49e1fb3483237901748025540
title_6830c0c49e2cb1392608021748025540
title_6830c0c49e39721178793111748025540
title_6830c0c49e46121033429761748025540

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6830c0c49f16d4226381721748025540
title_6830c0c49f2403699120121748025540
title_6830c0c49f31120028523631748025540
title_6830c0c49f3e03121672501748025540

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com