SOOMKA
 

1.S. Bisha ramadaan hadii qeybi iga tagtay oo ay bishii kale iga soo gaadho, ma soomi karayaa bishii dambe soonkeedii caadiga ahaa anigoon tii hore qaleyn?
 

J. Bisha ramadaan qalaheeda iyo adaheeda farqi baa u dhaxeeya marka la leeyahay al-adaa waa soomka la soomayo markaa ee waqtigiisu joogo, sida kan iminka aanu ku jirno oo kale, qaduhuna waa mid waqtigiisu uu tegay oo la soo qaleynayo labadaa mustalax bay kala leeyihiin oo la isticmaalaa.

 Hadaba qaduhu wuxuu kaga duwan yahay adaha (ka imika la gudanayo) sida kan iminka la soomayo qalaha ahi wuxuu kaga duwanyahay waajib ma aha in la is raaciyo qalihii iminka ramadaantan aynu ku jirno israac baa waajib ah macnaha in laysku xidhiidhiyaa waajib bay tahay oo khiyaar uma lihid bisha ramadaan maalmana cudur-daar la’aan inaad iska cunto maalmana aad iska soonto, laakiin waajib bay tahay bishu sida ay u dhan tahay inaad wada soonto oo aad isku xidhiidhiso, laakiin qalaha markuu illaahay ka hadlayey wuxuu yidhi: “Qofka haduu buko ama uu musaafir yahay - cudur-daar buu leeyahay, - waxaana laga doonayaa intii maalmood ee ka tagtay in le’eg inuu soo qaleeyo” (Al-Baqra No.184) inay isku xidhiidhsamaan waxba waajib ma aha, sidoo kale deg-deg inuu u soo qaleeyana waajib ma aha.

Waxaa inoo daliil ah Caa’isha oo xaaskii nabiga ah waxa ay tidhi “Waxa iga tagi jiray bishii ramadaan maalmaha qaarkood” (waxa weriyay abu Daa’uud No.2399 Bukhaari No.1950 Muslim No.1146, Tirmidi No.783, Axmed No.6/131, Nasaa’i, Ibnu Maajah No.1669) markaa ilaa ay shacbaanta kale soo galeyso ayaan dib dhigi jiray qalahaa” markaa cudur-daar u haysato sida marka aanay daahir ahayn oo kale, sidaa daraadeed hadii dib udhacan laftiisu ahaa cudur-daar oo uu sidaa darteed u dib dhigay oo bishii ramadaan ee kalena ay soo gashay, ramadaantaas un buu soomayaa qalihiina wuu ka sii dambeysiinayaa oo qadaagii koley kama dhacayo, laakiin jawaabtu macnaheedu waxa weeyaan way soomi kareysaa bishan iminka ramadaantii kal hore wixii ka tegayna markay tan dhamaysataa bay qaleyneysaa.
Allaahu aclam.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1630121
Today
Yesterday
All days
830
1745
1630121
2026-04-03 09:52

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_69cf8dc1bf4df19350718511775209921
title_69cf8dc1bf52e20841087231775209921
title_69cf8dc1bf57c2521915201775209921
title_69cf8dc1bf5c65387513681775209921
title_69cf8dc1bf61019658193131775209921
title_69cf8dc1bf65910942181601775209921

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_69cf8dc1d37203587765161775209921
title_69cf8dc1d377020021300471775209921
title_69cf8dc1d37bd7498881871775209921
title_69cf8dc1d38098421946391775209921

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com