SOOMKA
 

1.S. Bisha ramadaan hadii qeybi iga tagtay oo ay bishii kale iga soo gaadho, ma soomi karayaa bishii dambe soonkeedii caadiga ahaa anigoon tii hore qaleyn?
 

J. Bisha ramadaan qalaheeda iyo adaheeda farqi baa u dhaxeeya marka la leeyahay al-adaa waa soomka la soomayo markaa ee waqtigiisu joogo, sida kan iminka aanu ku jirno oo kale, qaduhuna waa mid waqtigiisu uu tegay oo la soo qaleynayo labadaa mustalax bay kala leeyihiin oo la isticmaalaa.

 Hadaba qaduhu wuxuu kaga duwan yahay adaha (ka imika la gudanayo) sida kan iminka la soomayo qalaha ahi wuxuu kaga duwanyahay waajib ma aha in la is raaciyo qalihii iminka ramadaantan aynu ku jirno israac baa waajib ah macnaha in laysku xidhiidhiyaa waajib bay tahay oo khiyaar uma lihid bisha ramadaan maalmana cudur-daar la’aan inaad iska cunto maalmana aad iska soonto, laakiin waajib bay tahay bishu sida ay u dhan tahay inaad wada soonto oo aad isku xidhiidhiso, laakiin qalaha markuu illaahay ka hadlayey wuxuu yidhi: “Qofka haduu buko ama uu musaafir yahay - cudur-daar buu leeyahay, - waxaana laga doonayaa intii maalmood ee ka tagtay in le’eg inuu soo qaleeyo” (Al-Baqra No.184) inay isku xidhiidhsamaan waxba waajib ma aha, sidoo kale deg-deg inuu u soo qaleeyana waajib ma aha.

Waxaa inoo daliil ah Caa’isha oo xaaskii nabiga ah waxa ay tidhi “Waxa iga tagi jiray bishii ramadaan maalmaha qaarkood” (waxa weriyay abu Daa’uud No.2399 Bukhaari No.1950 Muslim No.1146, Tirmidi No.783, Axmed No.6/131, Nasaa’i, Ibnu Maajah No.1669) markaa ilaa ay shacbaanta kale soo galeyso ayaan dib dhigi jiray qalahaa” markaa cudur-daar u haysato sida marka aanay daahir ahayn oo kale, sidaa daraadeed hadii dib udhacan laftiisu ahaa cudur-daar oo uu sidaa darteed u dib dhigay oo bishii ramadaan ee kalena ay soo gashay, ramadaantaas un buu soomayaa qalihiina wuu ka sii dambeysiinayaa oo qadaagii koley kama dhacayo, laakiin jawaabtu macnaheedu waxa weeyaan way soomi kareysaa bishan iminka ramadaantii kal hore wixii ka tegayna markay tan dhamaysataa bay qaleyneysaa.
Allaahu aclam.

logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Feed not found.

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1321188
Today
Yesterday
All days
2804
1792
1321188
2025-11-06 23:49

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_690d34264353915673081251762472998
title_690d34264361621388863481762472998
title_690d3426436e66429040931762472998
title_690d3426437b56336213341762472998
title_690d34264387f12416715561762472998
title_690d34264395317940632051762472998

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_690d34264461514442083161762472998
title_690d3426446ea11771057911762472998
title_690d3426447bd7060128861762472998
title_690d34264488c3773507451762472998

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com