ARBAIN NAWAWIY


arbain nawawi


” لا تغضب”

عن أبي هُرَيْرَةَ رضي اللهُ عنه أنَّ رَجُلاً قال لِلنَّبِّي صلى الله عليه وسلم: أَوصِني، قالَ

[لا تَغْضَبْ]، فَرَدَّدَ مِرَاراً، قال: [لا تَغْضَبْ]

رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ


Xadiis 16


Carada


Waxaa laga weriya Aybii Hureeyra(Allah haka raalli noqdee):

”In nin u yimid Nebiga( s.c.w.) kuna yiri : ii dardaaran markaasuu Nebigu yiri: “Ha caroonin, Markaasuu ku cel celiyay erayga ha caroonin.” [Bukhaari].

Sharaxa: Xadiiska Lix & Toban

Caradu waxay ka mid tahay jirrooyinka xun xun ee qofka jarka ka tuura, dembiyo waaweynna u soo jiida, . lamana celin karo carada oo waa wax ku abuuran qofka oo marka lagula kaco wax aanu ralli ka aheyn dhiiggiisa dhaqaajiya, marka Nebigu wuxuu ugu yeerayaa muslimiinta iney is celiyaan intay caro burburayaan, waa inaan qofku u hoggaansamin waxay caradu u yeereyso, xadiis kale wuxuu Nebigu (s.c.w.) ku waaniyay qofka caradu qaadqaadeyso in uu weysa gaato ama xaalka uu ahaa beddelo oo hadduu taagnaa fariisto hadduu fadhiyey jiifsado. Marka xadiiskani wuxuu kuugu yeerayaa inaan caradu xadka kaa saarin.

FAA’IIDADA XADIISKA

1. Waa inuu xusuusto qofku waxa ka dhalanaya carada,
2. Waa inuu qofku is-cef iyo haddii uu caroodo, oo wax kale ku caro burburo,
3. Inuu ka dheeraado inuu qaado tillaabo ama go’aan isagoo careysan, maxaa yeelay, wuxuu ka shalayn doonaa markay caradu ka baxdo.


logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1737467
Today
Yesterday
All days
890
1629
1737467
2026-05-24 16:54

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6a132d52c1c1413907319651779641682
title_6a132d52c1c671866386391779641682
title_6a132d52c1cb411908054481779641682
title_6a132d52c1cff573876141779641682
title_6a132d52c1d4816535008331779641682
title_6a132d52c1d9b468515991779641682

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6a132d52d6d6010169196691779641682
title_6a132d52d6db13306270031779641682
title_6a132d52d6dfe10910231821779641682
title_6a132d52d6e4a2935243801779641682

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com