ARBAIN NAWAWIY


arbain nawawi


“من حسن إسلام المرء”

[عن أبي هُرَيْرَةَ رضي اللهُ عنه قالَ: قالَ رسُولُ الله صلى الله عليه وسلم: [مِنْ حُسْنِ إسْلاَمِ الْمَرْءِ تَرْكُهُ مَا لاَ يَعْنِيهِ

حَدِيثٌ حَسَنٌ، رَوَاهُ التِّرْمِذِيُّ ،وَ غَيره هكذا


XADIIS 12


Ha Fara Gelin Wax Aadan Shaqo Ku Lahayn

Waxaa laga weriyay Abuu Hureyrah (Allaha ka raalli noqdee)

”Inuu yiri Rasuulkii llaahay wuxuu yiri: Qofka lslaam wanaaggiisa waxaa ka mid ah inaanu faraha lagelin arrimo aanu shaqa ku laheyn. Waa xadiis Xasan ah.” [Tirmidi iyo kuwa kale].

Sharaxa: Xadiiska Laba & Toban

Xadiiskani waa edbinta nafta iyo la xisaabtankeeda, sababtoo ah waxaa dhab ah in dadku u badan yahay inay waqtigooda qaaliga ah badankiisa ku tabiyaan waxa aney waxba ugu jirin, marka waa in qofku miisaamo falkiisa iyo hadalkiisa waa inuu ogaado sidey arrimuhu xiriir ula leeyihiin noloshiisa. kaddib wixii wax u taraya adduunkiisa ama aakhira diisa uu ku dhaqaaqo, wixii aan waxba faa’ido u laheynna waa inuu ka gaabsado, waa in aanu faraha la gelin arrimaha dadka kale khuseeya ee u gaarka ah.

FAA’IDADA XADIISKA

1. ln qof ku ilaaliyo ficil kiisa iyo hadal kiisa kuna abbaaro meel ku habboon;
2. Inaan faraha lala gelin arrimo aaney waxba kaa gelin;
3. In uu qof ku u jeediyo awood diisa wax isaga anfacaya ama dadka kale wax u taraya.


logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1630121
Today
Yesterday
All days
830
1745
1630121
2026-04-03 09:52

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_69cf8dc1bf4df19350718511775209921
title_69cf8dc1bf52e20841087231775209921
title_69cf8dc1bf57c2521915201775209921
title_69cf8dc1bf5c65387513681775209921
title_69cf8dc1bf61019658193131775209921
title_69cf8dc1bf65910942181601775209921

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_69cf8dc1d37203587765161775209921
title_69cf8dc1d377020021300471775209921
title_69cf8dc1d37bd7498881871775209921
title_69cf8dc1d38098421946391775209921

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com