ARBAIN NAWAWIY


arbain nawawi


“من حسن إسلام المرء”

[عن أبي هُرَيْرَةَ رضي اللهُ عنه قالَ: قالَ رسُولُ الله صلى الله عليه وسلم: [مِنْ حُسْنِ إسْلاَمِ الْمَرْءِ تَرْكُهُ مَا لاَ يَعْنِيهِ

حَدِيثٌ حَسَنٌ، رَوَاهُ التِّرْمِذِيُّ ،وَ غَيره هكذا


XADIIS 12


Ha Fara Gelin Wax Aadan Shaqo Ku Lahayn

Waxaa laga weriyay Abuu Hureyrah (Allaha ka raalli noqdee)

”Inuu yiri Rasuulkii llaahay wuxuu yiri: Qofka lslaam wanaaggiisa waxaa ka mid ah inaanu faraha lagelin arrimo aanu shaqa ku laheyn. Waa xadiis Xasan ah.” [Tirmidi iyo kuwa kale].

Sharaxa: Xadiiska Laba & Toban

Xadiiskani waa edbinta nafta iyo la xisaabtankeeda, sababtoo ah waxaa dhab ah in dadku u badan yahay inay waqtigooda qaaliga ah badankiisa ku tabiyaan waxa aney waxba ugu jirin, marka waa in qofku miisaamo falkiisa iyo hadalkiisa waa inuu ogaado sidey arrimuhu xiriir ula leeyihiin noloshiisa. kaddib wixii wax u taraya adduunkiisa ama aakhira diisa uu ku dhaqaaqo, wixii aan waxba faa’ido u laheynna waa inuu ka gaabsado, waa in aanu faraha la gelin arrimaha dadka kale khuseeya ee u gaarka ah.

FAA’IDADA XADIISKA

1. ln qof ku ilaaliyo ficil kiisa iyo hadal kiisa kuna abbaaro meel ku habboon;
2. Inaan faraha lala gelin arrimo aaney waxba kaa gelin;
3. In uu qof ku u jeediyo awood diisa wax isaga anfacaya ama dadka kale wax u taraya.


logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Feed not found.

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1321212
Today
Yesterday
All days
20
2808
1321212
2025-11-07 00:06

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_690d37fe99f215256251381762473982
title_690d37fe9a0006877169121762473982
title_690d37fe9a15713290936081762473982
title_690d37fe9a227831224981762473982
title_690d37fe9a2f47883165581762473982
title_690d37fe9a3c27008071981762473982

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_690d37fe9b10c1507407201762473982
title_690d37fe9b1e817972130001762473982
title_690d37fe9b2b917847128861762473982
title_690d37fe9b38710409842191762473982

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com