2.S. Qof ayaa soomay lixdii cisho ee shuwaalka isagoo ramadaantii lagaga lahaa qalle haddaba shuwaalkaa uu soomay ma ka gudayaa (ridayaa) qalihii ramadaanta lagaga lahaa?


J. Bisha ramadaan waa waajib arkaanu islaamkiina waa ka mid markaa qofkii haddii ay u suurtoobi waydo inuu soomo isagoo cudur-daar haysta wuu soo qalaynayaa, qaluhu niyo gaar ah ayuu leeyahay sunuhuna niyo gaar ah, oo iyadoo kolayba amaantiisa uu leeyahay maalmahan shawaalka oo la soomo, nabiguna uu lahaa xadiis saxeex ah “qofka soddonka ramadaan sooma lix maalmood oo bisha shuwaal ka mid ahna raaciya wuxuu ka dhigan yahay isaga oo sannad dhan soomay” (Abu Daa’uud No.2423, Muslim No.1164, Tirmidi No.759, Ibnu Maajah No.1716 iyo Axmed) maxaa yeelay lix iyo soddon cisho ayuu soomay cisho waliba waxay ka dhigan tahay isagoo toban cisho soomay marka toban lagu dhufto lix iyo soddon waxay noqonaysaa 360 maalmood markaa sanadkii oo dhan isaga oo soomay ayuu ka dhigan yahay, haddaba soonkaa bisha shuwaal isagoo uu yahay mid amaan badan haddana qadaagii bisha ramadaan kama gudayo (kama ridayo), markaa soonkaa sunaha ahna waa inuu sidiisa u soomaa ramadaantiina waa inuu qaleeyaa intii maalmood ee lagu lahaa oo sunaha iyo faralku waa kala xukun isku miisaan iyo ajarna maaha waxaa ka miisaan culus faradkii isagaana ka ajri badan hadduu qofku faradka ka tagana ciqaab ayuu ku mutaysanayaa laakiin sunaha ciqaab kuma mutaysanayo, markaa kama gudayo shuwaalku qalaha ramadaanta markaa waa inuu midba sidiisa u soomaa.
Alaahu aclam.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1630121
Today
Yesterday
All days
830
1745
1630121
2026-04-03 09:52

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_69cf8dc1bf4df19350718511775209921
title_69cf8dc1bf52e20841087231775209921
title_69cf8dc1bf57c2521915201775209921
title_69cf8dc1bf5c65387513681775209921
title_69cf8dc1bf61019658193131775209921
title_69cf8dc1bf65910942181601775209921

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_69cf8dc1d37203587765161775209921
title_69cf8dc1d377020021300471775209921
title_69cf8dc1d37bd7498881871775209921
title_69cf8dc1d38098421946391775209921

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com