Kula dhaqanka dabeecad wanaagsan xitaa dadka aan Muslimka ahayn
Allaah Kor ahaaye wuxuu na amray inaan dabeecad wanaagsan kula dhaqanno dadka oo dhan, waayo caddaaladda iyo axsaan falka iyo naxariista waa dabeecadda Muslimka ee ka muuqda anshaxiisa iyo hadalladiisa xagga Muslimka iyo gaalkaba, wuxuuna ku dadaalaa inuu ahaado debci samadaas dowgiisa xagga ugu baaqa dadka aan Muslimka ahayn diintan weyn:
Allaah Kor ahaaye wuxuu yir:
}لَا يَنْهَاكُمُ اللهُ عَنِ الَّذِينَ لَمْ يُقَاتِلُوكُمْ فِي الدِّينِ وَلَمْ يُخْرِجُوكُمْ مِنْ دِيَارِكُمْ أَنْ تَبَرُّوهُمْ وَتُقْسِطُوا إِلَييْهِمْ إِنَّ اللهَ يُحِبُّ الْمُقْسِطِينَ{(الممتحنة: 8).
“Allaah idinkama reebo xagga kuwa aan idinkula diririn diinta awgeed oo aan idinka saarin guryihiinna, inaad u samo fashaan oo ula dhaqantaan si caddaalad ah. Hubaal Allaah wuu jecel yahay kuwa u dhaqma sida caddaaladda ah”. (Al-Mumtaxinah: 8)
Balse waxa uu naga xaaraanshay waa garabsiinta gaalada iyo jeclaanta waxay ay ku sugan yihiin oo gaalnimo iyo shirki ah, sida uu Allaah Kor ahaaye yiri:
}إِنَّمَا يَنْهَاكُمُ اللهُ عَنِ الَّذِينَ قَاتَلُوكُمْ فِي الدِّينِ وَأَخْرَجُوكُمْ مِنْ دِيَارِكُمْ وَظَاهَرُوا عَلَى إِخْرَاجِكُمْ أَنْ تَوَلَّوْههُمْ وَمَنْ يَتَوَلَّهُمْ فَأُولَئِكَ هُمُ الظَّالِمُونَ{ (الحجرات: 9).
“Allaah wuxuu uun idinka reebaa xagga kuwa idinkula dirira diinta darteed oo idinka saara guryihiinna, oo ku taageera (kuwo kale) saariddiinna – (ma aha) inaad ka dhigataan gacallo. Oo qofkii ka dhigta gacal, waa kuwaas kuwa ah daalimiinta”. (Al-Xujuraat: 9)

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1737512
Today
Yesterday
All days
935
1629
1737512
2026-05-24 17:09

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6a1330e6210c817575776841779642598
title_6a1330e62112c21179645021779642598
title_6a1330e62118d5802540491779642598
title_6a1330e6211d47138928631779642598
title_6a1330e62122e837376631779642598
title_6a1330e62128c556046711779642598

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6a1330e63e07b4716977251779642598
title_6a1330e63e0cc20117949761779642598
title_6a1330e63e11914243062181779642598
title_6a1330e63e16420040283721779642598

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com