TIIRKA LABAAD: waa malaa’igta oo la rumeeyo, malaa’igtuna waa adoomo la karaameeyay oo uu alle abuuray kor ahaayee, waxayna u istaageen caabuuditaankiisa una hogaansameen adeecitaankiisa, wuxuuna alle ku kalifay shaqooyin kala duwan, malaa’igtana waxaa ka mid ah:

Jibriil: oo uu alle u xil saaray waxyiga isagoo kasoo dajinaya alle agtiisa kuna dajinaya ruuxuu alle doono oo ka mid ah nabiyadiisa iyo rusuuladiisa, waxaa kaloo ka mid ah malaa’igta:

Miikaa’iil: oo uu alle u xil saaray Roobka iyo dhirta, waxaa kaloo ka mid ah:

Israafiil: oo uu alle u xil saaray afuufida buunka wakhtiga suuxida iyo soo saarida, waxaa kaloo ka mid ah:

Malakumawd: oo loo xil saaray ruuxda qabashadeeda wakhtiga geerida.

TIIRKA SADEXAAD: waa kutubta oo la rumeeyo. Alle waynaayo wuxuu ku soo dajiyay rusushiisa kutub ay dhexdeeda ahaatay hanuun, kheyr iyo wanaag, kutubtaasna waxaan ka naqaanaa:-

Tawraad: oo uu alle kor ahaayee ku soo dajiyay Muuse naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee, waana tii ugu waynayd kutubta reer banii israa’iil.

Injiil: oo uu alle kor ahaayee ku soo dajiyay Ciise nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee.

Subuur oo uu alle kor ahaaye u siiyay Daa’uud nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee.

Suxuftii Ibraahiim nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee.

Qur’aanka wayn ee uu alle kor ahaayee ku soo dejiyay Nabigiisa Maxamed nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee ahna nabiyadiisa kii lagu ebyay (khatimay), wuxuuna alle ku tirtiray quraanka kutubtii horeysay oo idil, wuxuuna kafaala qaaday ilaalintiisa, maxaa yeelay xujo ayuu ku ahaanayaa khalqiga dhamaantii ilaa maalinta qiyaamaha.

logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Feed not found.

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1321317
Today
Yesterday
All days
125
2808
1321317
2025-11-07 01:49

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_690d5036bb8738492740191762480182
title_690d5036bb9446526200091762480182
title_690d5036bba0c14578057281762480182
title_690d5036bbad32619332711762480182
title_690d5036bbba27936629911762480182
title_690d5036bbc6716242982991762480182

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_690d5036bc93f4678404671762480182
title_690d5036bca0d6301371191762480182
title_690d5036bcacc1008986911762480182
title_690d5036bcb9511458488891762480182

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com