تعريف موجز بالإسلام

باللغة : الصومالية

QEEXID KOOBAN OO KU SAABSAN ISLAAMKA

Allaah baa mahad iska leh allahaasoo ah barbaariyaha uunka oo dhan (kawnka), naxariis iyo nabad galyana rususha imaamkoodii korkiisa ha ahaato oo ah nabigeenii Maxamed iyo eheladiisii iyo asxaabtiisa dhammaantoodba, intaas kadib:

Islaamku waa in la qiro inuusan jirin ku xaq lagu caabudo oo aan Allaah ahayn, maxamedna uu yahay rasuul Alle soo diray, qiridaasna qalbiga lagu gunto carabkana lagaga dhawaaqo xubnahana laga sameeyo waxa ay keenayso qiridaasu, wuxuuna iimaanku kulansadaa in la rumeeyo lixdii tiir ee iimaanka lana sameeyo shantii tiir ee islaamka, qofkuna uu aad isaga hagaajiyo arrimahaas. Islaamku waa kii lagu ebyay (khatimay) risaalooyinka alle kaasoo alle ku soo dejiyay kii lagu ebyay (khatimay) ambiyada iyo rususha oo ah maxamed cabdullaahi (nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ahaatee). Islaamku waa diinka xaqa ah oo uusan alle ka aqbalaynin ruuxna diin kale, sida xaqiiqda ah allaah wuxuu ka yeelay islaamka diin fudud oo sahlan, culeys iyo dhibaatana aan lahayn, kumana waajib yeelin dadka haysta islaamka waxaysan awoodin, kumana uusan kalifin waxayna karaynin, waana diin asaaskiisu uu yahay alle in lakali yeelo, runtuna ay tahay tilmaantiis, cadaaladuna ay tahay meesha uu ku wareegayo, xaqana uu yahay midka uu ku taagan yahay, naxariistana ay tahay dhuuxiisa, waana diinka wayn oo ku hagaajiya adoomada amar kastoo anfacaya diintooda iyo adduunkoodaba, ugana digaya wax kasta oo dhibaya diintooda iyo noloshooda, waana diinkii uu alle ku hagaajiyay caqiidooyinka iyo akhlaaqdaba, kuna hagaajiyay nolosha aduunka iyo aakharaba, isuguna soo dumay quluubtii kala tagsanayda iyo hawooyinkii kala duwanaa, uuna kaga saaray mugdiyadii baadilka, kuna tusay xaqa, kuna hanuuniyay jidka toosan, waana diinka toosan oo la sugay sugitaankii ugu sareeyay, dhanka wararkiisa oo idil iyo axkaamtiisa dhamaateed, islaamku muusan sheegin run iyo xaq mooyaane, kumana uusan xukumin khayr iyo cadaalad mooyaane, taasoo ka ahaatay caqiidooyinka saxda ah iyo acmaasha toosan iyo akhlaaqda wanaaga badan iyo dhaqamada sareeya, hadafka risaalada islaamka waa inuu xaqiijiyo waxa soo socda:-

logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Feed not found.

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1321317
Today
Yesterday
All days
125
2808
1321317
2025-11-07 01:49

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_690d5036bb8738492740191762480182
title_690d5036bb9446526200091762480182
title_690d5036bba0c14578057281762480182
title_690d5036bbad32619332711762480182
title_690d5036bbba27936629911762480182
title_690d5036bbc6716242982991762480182

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_690d5036bc93f4678404671762480182
title_690d5036bca0d6301371191762480182
title_690d5036bcacc1008986911762480182
title_690d5036bcb9511458488891762480182

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com