GAGABAYSIGU WAA ARRIN KHAAS U AH UMMADDA NEBI MUXAMMAD:
Xadiis laga soo weriyey Jaabir bin Cabdullah wuxuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Waxa Ilaahay I siiyey shan aanu cid iga horaysay siinin. Wuxuu Ilaahay guusha igu siiyaa baqdin cadawgaygu iga baqo markaan u soo jiro meel bil loo socdo. Dhulkana waxa la iiga yeelay Masjid iyo dahaarad, qofkii Ummadayda ka mid ahi waa inuu markaa ku tukado meeshii ay salaaddi ugu soo gashaba. Maalka (qaniimadda) dagaalka lagu furtana Ilaahay wuu ii xalaaleeyay, taas oo ah arrin aan cid iga horeysay loo xalaalaynin. Shafaacadana waa la ii ballanqaaday. Nebi walba waxa gaar ahaan loogu soo diray qawmkiisa (Ummaddiisa) oo keliya, anna dad oo dhan ayaa caam ahaan laysoo diray.” (Al-Bukhaari iyo Muslim ayaa soo weriyey).
Sababta loo sharciyeeyay: Caa’isha (Ihkra) waxay tidhi: “Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam ayaanu u raacnay safar ka mid ah safaradiisii. Markaanu meesha Baydaa’ la yidhaahdo gaadhnay ayuu shuuli aan gashanaa iga go’ay. Markaasuu Nebigu Salallaahu caleyhi wasalam kacay oo uu raadiyey, dad kalena la kaceen oo ay raadiyeen iyagoo aan weysa qabin biyana aanay haysanin. Dadkii ayaa Abuu Bakar u yimi oo ku yidhi: Miyaanad arkayn waxay Caa’isha fashay. Abuu Bakar ayaa ii yimi iyadoo Nebigu Salallaahu caleyhi wasalam uu dhabtayda ku jiifo oo uu hurdo. Markaasuu I canaantay oo igu yidhi wixii uu Alle u idmay inuu yidhaahdo, oo waliba uu dhinaca iga gujiyay, manaan dhaqaaqi karaynin waayo Rasuulka Salallaahu caleyhi wasalam ayaa dhabtayda ku jiifay. Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam wuxuu hurday ilaa uu waagi beryay isagoo aan weysa qabin. Markaasuu Ilaahay soo dejiyay Aayadda gagabaysiga (An-Nisaa’: 43). Asiid bin Xadiir wuxuu yidhi: Tani maaha barakadii ugu horaysay ee la idinka helo reer Abuu Bakarow! Caa’isha waxay tidhi: Awrkii aan saarnaa markii la kiciyey ayaanu hoostiisa shuuligii ka hellay.” (Jamaacada ayaa soo werisay at-Tirmidi mooyee).

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1737512
Today
Yesterday
All days
935
1629
1737512
2026-05-24 17:09

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6a1330e6210c817575776841779642598
title_6a1330e62112c21179645021779642598
title_6a1330e62118d5802540491779642598
title_6a1330e6211d47138928631779642598
title_6a1330e62122e837376631779642598
title_6a1330e62128c556046711779642598

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6a1330e63e07b4716977251779642598
title_6a1330e63e0cc20117949761779642598
title_6a1330e63e11914243062181779642598
title_6a1330e63e16420040283721779642598

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com