GAGABAYSIGA:

Gagabaysigu waa ula kac ama qasdi uu qofku qasdiyo inuu Ciidda ku masaxo wejiga iyo gacmaha, isagoo ula niyoonaya inuu isu diyaariyo salaad iyo wixii la mid ah. Daliilkiisana waxa laga soo xigtay Qur'aanka, Sunnaha iyo Ijmaaca culimada intaba. Dhinaca kitaabka Qur’aanka ah: Wuxuu Alle yidhi caza wajalla  :Haddii aad buktaan ama aad safar tihiin ama aad saxarootaan ama aad dumar taabataan oo aydinaan biyo helaynin, ku gagabaysta carro wanaagsan kuna masaxa wajigiina iyo gacmihiina Eebbena waa Cafiye Dembi-dhaafe ah . (An-Nisaa’: 43). م Rasuulka Sunnaha Dhinaca Wuxuu Abii Umaamah sheegay (Ihkra) inuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Wuxuu dhulka korkiisa dhammaan Alle nooga yeelay aniga iyo Ummadayda Masjid iyo dahaarad (mid wax nadiifiya). Sidaas darteed, qofkii Ummadayda ka mid ahi wuxuu ka helayaa meeshii ay salaaddi ugu soo gashaba wax uu isku daahiriyo (ciidda).” (Axmad ayaa soo weriyey).  . Dhinaca Ijmaaca: Dhammaan culimada Muslimku waxay isku waafaqday inuu gagabaysigu sharci yahay, isla markaana beddeli karo weysada iyo qusulka marka ay arrimo gaar ahi dhacaan.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1737512
Today
Yesterday
All days
935
1629
1737512
2026-05-24 17:09

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6a1330e6210c817575776841779642598
title_6a1330e62112c21179645021779642598
title_6a1330e62118d5802540491779642598
title_6a1330e6211d47138928631779642598
title_6a1330e62122e837376631779642598
title_6a1330e62128c556046711779642598

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6a1330e63e07b4716977251779642598
title_6a1330e63e0cc20117949761779642598
title_6a1330e63e11914243062181779642598
title_6a1330e63e16420040283721779642598

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com