WAXYAALAHA UU KU FURMO SOONKA
Waxyaalaha uu ku furmo soonka
Waana umuuraha ku waajibka ah qofka sooman inuu ka joogo waayo waxay buriyaan soonka, waana sida soo socota:
1- Cunidda iyo cabbidda:
Allaah Kor ahaaye wuxuu yiri:
“Oo cuna oo cabba ilaa caddaanka maalintu ka soocmo madowga habeenka waabbarkii, markaas dhammeystira soonka ilaa habeenka”. (Al-Baqarah: 187)
Qofkiise wax cuna ama cabba isagoo hilmaansan, soonkiisu wuu u jiraa oo dambi ma leh, sida uu Nabigu Salallaahu caleyhi wasalam yiri: “Qofkii illaaba isagoo sooman ee wax cuna ama cabba waa inuu dhammeystiro soonkiisa, waayo Allaah baa quudiyey oo waraabiyey” (Al-Bukhaari 1831, Muslim 1155)
2- Wixii la macna ah cunitaan iyo cabbitaan, tusaale haddaynu ka bixinno:
• Faleebooyinka iyo cirbadaha nafaqada leh ee nafaqa siiya jirka si ay u siiso waxa ka naaqusa ee leh milixyo iyo raashin , waxay galayaan halkii cuntada iyo cabbidda oo qaadanayaan xukunkooda.
• Ku shubidda dhiig qofka bukaanka ah, waayo dhiigga waa nafaqo siiye jirka, marka wuxuu qaadanayaa xukunka cunidda iyo cabbidda.
• Cabbidda sigaarka nooc uu ahaadaba, waa ku furmaa soonka, waayo wuxuu siiyaa jirka sumo uu qofku ku qaato dhuuqidda sigaarka.
3- Galmada oo ah gelin madaxa xubinta gaarka ah ee ninka uu geliyo farjiga haweenta, ha biyo baxo ninka ama yuusan biyo bixine.
4- Shahwo bax uu isagu doortay si salaaxid ah ama siigeysi, iwm
Haddiise uu riyoodo oo biyo baxo isagoo hurda sidaas kuma afurayo, waayo ma aha arrin ku yimid doorashadiisa.
Waxaana u bannaan ninka inuu dhunkado xaaskiisa iwm, hadduu is celin karo si uusan uga furmin soonka
5- Ismatajin kas ah, qofkiise uu ka yimaado matag ku tala gal la’aan waxba ma saarna. Nabigu Salallaahu caleyhi wasalam wuxuu yiri:
“Qofkii uu soo dhaafo matag isagoo sooman ma saarna inuu qalleeyo, qofkiise isagu is matajiya, waa inuu qalleeyo maalintaasi” (At-Tirmidi 720, Abuu Daawuud 2380)
6- Soo bixitaanka dhiigga xaylka iyo dhalmada,
marka la arko dhiig xayl ama dhalmo xitaa maalinta qaybta ugu dambeysa soonkii waa ka furmay haweenta, ama haddii ay dhiig caado qabtay ee daahir noqoto kaddib waaberiga markaa soonkeeda ma ansaxayo, wayna afuran tahay maalintaa, tixraac qowlka Nabiga Salallaahu caleyhi wasalam “Ma waanay markay haweenta hesho dhiggga caadada ka joogin salaadda oo ka joogin soonka” (Al-Bukhaari 1850).
Dhiiggase uga yimaada haweenta xanuun darti, aan ahayn dhiigga xaylka ee caadada ah ee socda dhowr maalmood bishii, aan sidoo kale ahayn dhiigga dhalmada ee yimaada dhalmada kaddib, dhiiggaa aan labadaa midkoodna ahayn ma looga joogo soonka.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1630944
Today
Yesterday
All days
1653
1745
1630944
2026-04-03 11:43

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_69cfa7d80d97617607795901775216600
title_69cfa7d80d9d619005850921775216600
title_69cfa7d80da313751519661775216600
title_69cfa7d80da8c13620934271775216600
title_69cfa7d80dae613872845671775216600
title_69cfa7d80db412848089741775216600

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_69cfa7d8260735213088661775216600
title_69cfa7d8260da18526066531775216600
title_69cfa7d82613618444973441775216600
title_69cfa7d8261936424104201775216600

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com