XIKMADDA LAGA LEE YAHAY SOONKA 
Allaah wuxuu u faral yeelay soonka xikmado badan darteed iyo ujeeddooyin dhowr ah xagga diinta iyo dunida, waxaana ka mid ah:
1- Hirgelinta cabsida Ilaahay Cazza Wajalla
Waayo waa cibaado uu ugu dhowaado addoonka Rabbigi isagoo ka taga waxyaalaha uu jecel yahay oo uu ka joogo rabitaannadiisaa, markaasuu wuxuu ku celiyaa naftiisa taqwada iyo dhugashada Ilaahay subxaanahu watacaalaa meel iyo waa’ uu joogaba, sir iyo saaqba, sidaas awgeed buu Allaah u yiri:
“Mu’miniintow! Waxaa la idinku faral yeelay soon, sidii loogu faral yeelayba kuwii idinka horreeyay, si aad isaga jirtaan (xumaha)”. (Al-Baqarah: 183)
2- Waa tababar si uu qofka uga haro macaasida iyo dunuubta
Haddaba markuu qofka ka joogo waxyaalaha u bannaan isagoo qaaadanaya amarka Ilaahay, waxaan shaki ku jirin inuu u sii awood yeelan doono ka celinta naftiisa rabitaannadiisa xagga macaasida iyo danbiyada iyo inuu dhaafeyn xuduudda ilaahay oo ka joogayo ku sii socodka baadilka, Nabigu Salallaahu caleyhi wasalam wuxuu yiri: “Qofkii aan iska deyn hadalka beenta iyo dhaqanka xun, Allaah dan kama leh inuu iska daayo cuntadiisa iyo cabbitaankiisa” (Al-Bukhaari 1804) taasi macnaheedu waxaa weeye qofkii aan ka joogin beenta iyo faasiqnimada xagga qowlka iyo camalka, ma uusan haleelin gunta iyo danta laga leeyahay soonka..
3- Xusuusashada dadka aan waxba heysan iyo wax siintood
Waayo waxaa ku jira tijaabin ka sheegashada wax la’aanta iyo gaajada, iyo xusuusasho fuqarada ee ka sheegta wax la’aanta goor kasta, markaasuu wuxuu xusuustaa walaalihi fuqarada ah, iyo sida ay uga sheegtaan labada kala daran gaajada iyo harraadka, markaasuu wuxuu ku dadaalaa inuu kaalmo siiyo oo u asxaan falo masaakiinta iyo dadka baahan.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1737950
Today
Yesterday
All days
1373
1629
1737950
2026-05-24 18:07

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6a133e719641d19891752081779646065
title_6a133e719646d3263929281779646065
title_6a133e71964ba10738125571779646065
title_6a133e719650a919963291779646065
title_6a133e71965568832117031779646065
title_6a133e71965a213735441971779646065

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6a133e71aa63d4993820121779646065
title_6a133e71aa68e18774601381779646065
title_6a133e71aa6db9530960491779646065
title_6a133e71aa7296632955661779646065

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com