WANAAGA UU LEE YAHAY XAJKA .  
Waxaa ku soo arooray xajka fadli badan uu leeyahay iyo khayr, waxaana ka mid ah:
1. Waa kan ugu fadli badan acmaasha, mar la weydiiyey Nabiga Salallaahu caleyhi wasalam : acmaasha maxaa u fadli badan? Wuxuu yiri: Rumeynta Allaah iyo Rasuulkiisa? Waxaa la weydiiyey: Kaddib maxaa xiga? Wuxuu yiri” U jihaadid jidka Ilaahay, waxaa la yiri: Haddana maxaa xiga? Wuxuu yiri: Xaj lagaa aqbalo (Al-Bukhaari 1447. Muslim 83)
2. Waa munaasabad weyn oo la isugu dambi dhaafo, Nabigu Salallaahu caleyhi wasalam wuxuu yiri: “Qofkii xajiya aan la imaan galmo ama caasiyoobid inta uu xajinayo wuxuu ka soo laabtaa xajka isagoo ah sida maalintii ay dhashay hooyadi” (Al-Bukhaari 1449, Muslim 1350), macnaha wuxuu ka soo laabtaa isagoo ka xalan danbiyo ah sida inuu dhashay markaa.
3. Waa fursad weyn ee ka xoroobid ah Naarta. Nabigu Salallaahu caleyhi wasalam wuxuu yiri: “Ma jiro maalin ka badan uu Allaah kaga xoreeyo addoomaha Naarta maalinta Carrafa” (Muslim 1348).
4. Abaalgudkiisa waa Jnnada, Nabigu Salallaahu caleyhi wasalam wuxuu yiri: “Xajka la aqbalo ma leh abaal gud aan ahayn Janno” (Al-Bukhaari 1683, Muslim 1349)
- Ma heysataa maal kugu filan iyo awood jir aad ku gudato xajka?
Haa: Waa kugu waajib inaad naf ahaantaada gudato xajka .
- Ma heysataa maal kugu filan laakiinse ma lihid awood jir aad ku gudato xajka xanuun ku haya darti aad fileyn inaad ka bogsaneyso ama da’daada oo aad u weyn? Waxaa kugu waajib ah inaad siiso maal cid kaa xajido

- Haddii aad heysan maal ku filan gudashada xajka oo ka zaa’id ah baahidaada iyo baahida dadka ay ku saaran tahay masruufkooda, markaa xaj kuguma waajibo, mana ku saarna inaad soo uruuriso maal si aad u gudato xajka.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1737512
Today
Yesterday
All days
935
1629
1737512
2026-05-24 17:09

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6a1330e6210c817575776841779642598
title_6a1330e62112c21179645021779642598
title_6a1330e62118d5802540491779642598
title_6a1330e6211d47138928631779642598
title_6a1330e62122e837376631779642598
title_6a1330e62128c556046711779642598

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6a1330e63e07b4716977251779642598
title_6a1330e63e0cc20117949761779642598
title_6a1330e63e11914243062181779642598
title_6a1330e63e16420040283721779642598

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com