Ku Salli Nabigaada (SCW)


Alxamdullah rabbil caalamiin wassalaatu wassalaamu calaa rasuulillah scw:

Ku Sallinta Nabiga SCW waxay ka mid tahay cibaadoynka kuwa uugu fadliga badan, uguna qiima badan, loona baahanyahay qofka muslimka ah inuu badsado kuna dadaalo.

Waxaa is weydiin mudan: Maxaa laga wadaa ku sallinta Nabiga SCW? Sideen ugu sallinnaa Nabiga SCW!

Waxaa Nabiga SCW laga soo wariyey markii la weydiiyey sideen kuugu sallinaa wuxuu ku jawaabay: Waxaad dhahdaan: "Allahumma salli calaa Muxammad wa calaa aali Muxammed kamaa salleyta calaa Ibraahiima wacalaa aali Ibraahima innaka xamiidun majiid wa baarik calaa Muxammad wacalaa aali Muxammad kamaa baarakta calaa Ibraahiima wacalaa aali Ibraamiina fil caalamiin innaka xamiidun majiid" (Buqaari iyo Muslim)

Qaar ka mid waqtiyaasha soo aroorey in lagu salliyo Nabiga SCW:
  • Tashahudka Salaadda uugu dambeeyo
  • Salaadda janaazada rakcadeeda labaad
  • Muxaadarooyinka iyo khutboynka, sida khutbada jimcada iyo khubada roobdoonka.
  • Aadaanka kadib
  • Markii la galaayo masjidka iyo markii laga soo baxaayo
  • Markii dad meel iskula kulmaan intii kacin kahor, sida shirka oo kale
  • Markii la bilaabaayo ducada
  • Markii qabriqiisa (SCW) la ziyaaranaayo
  • Maalinta jimcada

    Fadliga iyo Miraha laga helaayo ku Sallinta Nabiga (SCW):

1.       Waxaa la fulinaayaa amarka Allah SWT oo Quraanka nagu amray in aan ku sallino Nabigiisa (Nnkh).
2.       Qofkii ku salliyo Nabiga (SCW) hal mar Allah SWT ayaa ku sallinayo 10 mar siduu Nabigu (SCW) xadiis saxiix ah noogu sheegay.
3.       Waxaa loo qoraayaa qofkaas 10 ajir lagana tirayaa 10 dambi siduu Nabigu (SCW) xadiis saxiix noogu sheegay.
4.       Qofkii ku salliyo Nabiga (SCW) Alle ayaa hammigiisa kafaalo qaadayo.
5.       Waxay ku Sallinta Nabiga SCW calaamad u tahay jacaylkiisa.

ALLAH swt hana waafajiyo inaanu badino ku saallinta Nabigeena SCW. Wassalalaahu Calaa Nabiyinaa Muxamed Wacalaa Aalihii Wasaxbihii Wasalam.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1737467
Today
Yesterday
All days
890
1629
1737467
2026-05-24 16:54

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6a132d52c1c1413907319651779641682
title_6a132d52c1c671866386391779641682
title_6a132d52c1cb411908054481779641682
title_6a132d52c1cff573876141779641682
title_6a132d52c1d4816535008331779641682
title_6a132d52c1d9b468515991779641682

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6a132d52d6d6010169196691779641682
title_6a132d52d6db13306270031779641682
title_6a132d52d6dfe10910231821779641682
title_6a132d52d6e4a2935243801779641682

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com