WAA XAARAAN TIMAHA OO TIMO KALE LAGU TAXDO, QORRIDDA ILKKAHA, FANAX ISU YEELKA, IWM.

Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

Allaah, Subxaanahu Watacaallaa wuxuu yidhi: Waxay u yeedhaan (Alle) beddelki dheddigood, Waxay u yeedhaan wax kale maahee waa uun Shayddaan, fallaago ah, oo Alle nacladay, wuxuuna yidhi: Hubaashii waxaan ka qaadan doonaa addoommadaada saami go’an. Waxaana hubaashii u horseedi doonaa iyaga habow, waxaana hubaashii gelin doonaa hawooyin, oo hubaashii waxaan amri doonaa, waxayna jari doonaan dhegaha xoolaha, oo hubaashii waa amri doonaa iyaga oo waxay doorin doonaan abuurta Alle. (Suurada al-Nissaa Aayadda117-119)

1641. Asmaa A.K.R. waxaa laga soo weriyey in haweeney ay weydiisey Nebiga (S.C.W.): Rasuul Alloow! Gabadhaydii timaha gubataa ka gashay oo waa ka jarmeen timuhu. Haatan nin baan ku darnay, ee ma ugu taxi karaa baruuko timaheeda? Nebigu (S.C.W.) wuxuu yidhi: Alle waa nacladay tii timaha timo ku taxata iyo tii ugu taxdaba. (Bukhaari iyo Muslim)

Werin kale waxay leedahay Nebigu S.C.W. waa nacladay cidda sameysa baruukada iyo ciddii doonata baruuko.

Caa’isha A.K.R. waxay werisey isagoo kale oo Mutafaq ah.

1642. Xumayd bin Cabdur Raxmaan A.K.R. waxaa laga soo weriyey inuu maqlay Mucaawiyah oo ka leh minbarka sannadii uu xajinayey, intuu ka qaaday cuntub tin ah adeegihiisa: Reer Maddiinoow meeday culimmadiinii? Waxaan maqlay Nebigoo S.C.W. oo reebaya isticmaalka baruukadan oo leh: Banii Israa’iil waxaa la rogay markii ay haweenkoodii qaateen waxa kan oo kale. (Timaha been abuurka ah ay samaysteen). (Bukhaari iyo Muslim)

1643. Ibn. Cumar A.K.R. waxaa laga soo weriyey in Nebigu (S.C.W.) nacladay timo taxatada iyo u taxadada iyo tan ilkaha qorata iyo tan u qorta. (Bukhaari iyo Muslim).

1644. Ibn Mascuud A.K.R. wuxuu yidhi: Alle waa nacladay ilka qortooyinka iyo qorooyinka iyo kuwa sunniyahooda ku falaada iyo kuwa ilkahooda fanaxaha u yeela iyagoo qurux ula jeeda, oo abuurta Alle dooriya, Haweenay (Umm Yacquub) baa waxay weydiisey Ibn Mascuud A.K.R.: Waa maxay waxaa oo dhan? Wuxuu ku jawaabay: Maxaanan u nacladeyn kuwaa uu Raslkii Alle S.C.W. nacladay? Iyadoo kitaabka Alle (Qur’aanka) leeyahay: Wixii uu Rasuulka Alle idin siiyo qaata, wixii uu idinka reebana iska daaya. (59:7)      (Bukhaari iyo Muslim).

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1737512
Today
Yesterday
All days
935
1629
1737512
2026-05-24 17:09

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6a1330e6210c817575776841779642598
title_6a1330e62112c21179645021779642598
title_6a1330e62118d5802540491779642598
title_6a1330e6211d47138928631779642598
title_6a1330e62122e837376631779642598
title_6a1330e62128c556046711779642598

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6a1330e63e07b4716977251779642598
title_6a1330e63e0cc20117949761779642598
title_6a1330e63e11914243062181779642598
title_6a1330e63e16420040283721779642598

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com