SAMA KA TALINTA IYO HESHIINTA DADKA

Alle weyne kor ahaaye wuxuu yiri:

108. "Khayr kuma joro shirarka badan oo ay yeelanayaan mid sadaqo faray ama wax san ama wax sama ka talin dadka dhexdiisa ah maahee". Suuradda an-Nisaa: Aayadda 114.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

109. "Sama ka talintaa khayr badan". Suuradda an-Nisaa: Aayadda 128.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

110. "Alle ka Cabsada oo dhexdiina samo ka taliya". Suuradda Al-Anfaal: Aayadda 1.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

111. "Mu'miniinta kaliyaa walaalo ah ee walaalihiin dhexdooda samo ka taliya". Suuradda al-Xujuraat: Aayadda 10.

248. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Sadaqaa lagu leeyahay xubnaha uu ka kooban yahay qofka maalin walba oo qorraxi soo baxdo, (si aad sadaqaa isaga guddo) heshiish iyo samo dhex dhig labo qof oo kala boodsan, taasi waa sadaqo'e.; ku taageeridda qofkana inuu daabbadiisa fuulo, ama inuu saarto alaabtiisa iyana waa sadaqo; erey san oo la yiraahdona waa sadaqo; tallaabo kasta oo aad qaaddid adoo salaad u socda waa sadaqo; inaad ka qaaddo wax dhib leh waddooyinka la maro waa sadaqo". (Bukhaari iyo Muslim)

249. Umm Kulthuum bint Cuqbah bin abii Mucayd (A.K.R.) waxay tiri: Waxaan maqlay Nebiga (S.C.W.) oo leh: (beenlow ma'aha kan dadka dhexdiisa nabadda iyo samaanta ka talinaya oo khayrka wada ama sheegaya beenba ha adeegsadee". (Bukhaari iyo Muslim)

Werin kale ee xadiiska ah oo saxiixul Muslim ku taal baa aheyd: "Kamana maqal isagoo fasaxaya waxay dadku ku hadlayaan, saddex arrimood ma'ahee; goorta dagaalka, sama iyo nabad ka talinta (heshiisiinta) dadka dhexdiisa iyo goorta ninka naagtiisa wax u sheegayo ama iyadu ninkeedu wax u sheegayso". (Muslim)

250. Caa'isha (A.K.R.) waxay tiri: Nebigaa (S.C.W.) wuxuu maqlay laba nin oo ku doodaya hadal dheer dheer, debedda irridkiisa oo midkood ka codsanayo kan kale inuu wax ka cafiyo deynta uu ku leeyahay oo u naxariisto. Kan kalena leeyahay: Alle baan ku dhaaranayaa inaan yeelayn. Nebigaa (S.C.W.) inta debedda u soo baxay weydiiyey: Meeyey kii ku dhaaranayey Alle inuusan asxaan falayn? Ninkii baa yiri: Waa aniga rasuul Alloow, haatanse wuxuu rabo (kii uu lacagta ku lahaa oo ay is hayeen) waa u yeelayaa". (Bukhaari iyo Muslim)

251. Abuu Cabbaas Sahal ibn Saacid as-Saacidi (A.K.R.) wuxuu yiri: Waxaa Nebiga (S.C.W.) soo gaadhey in khilaaf iyo dhibaato ka dhex jirto rag ka tirsan qabiillada reer Camar iyo reer ibn Coof. Markaasuu u aaday inuu soo heshiisiiyo isagoo ay rag kalena oo asxaabtiisa ka mida ay wehliyaan. Markii wixii ka dhexeeyey uu xalliyey ayaa waxaa la gudboonaaday inuusan ka tagin marteglintii ay u sameeyeen. Markaa baa waqtigii salaadda la gaaray, Markaasuu Bilaal (A.K.R.). Abuu Bakar (A.K.R.) u yimid oo ku yiri: Abuu Bakaroow nabigii (S.C.W.) waa lagu dhagay, salaaddiina waa la joogaa ee dadka ma tujinaysaa? Wuxuu yiri: Haah, haddii aad doonto. Bilaal (A.K.R.) salaaddii buu aqimay. Abuu Bakarna (A.K.R.) inta horay yimid buu xirtay oo Allaahu akbar yiri, dadkiina waa ku xirteen oo Allaahu akbar ka daba yiraahdeen. Nebigii (S.C.W.) baa yimid oo inta safafkii soo dhex maray safka hore soo galay. Dadkii baa sacab garaacay (si ay ugu baraarujiyaan Abuu Bakar inuu nabigii yimid) abuu Bakarna waxaa caado u ahaa in mar hadduu salaad galo meelna uusan jalleecin, milicsanna waxaan salaadda aheyn. Sidaa awgeed dan uma gelin oo Salaaddiisii buu iska sii watay. Markii sacab garaacii ay sii badiyeen buu Abuu Bakar jalleecay, mise nabigii (S.C.W.) baa taagan, markaasaa nebigu (S.C.W.) U ishaaray inuu salaadda wado, isaguna inta gacantiisa kor u qaaday, oo alxamdulillaah yiri, buu dib dib u soo baxay oo safka soo galay, nebiguna (S.C.W.) hore u baxay oo dadkii tujiyey. Markii uu dhammeeyey buu inta asxaabtii ku soo jeensaday yiri: Maxaad markii ay salaadda dhexdeeda wax idinku soo kordhaan u sacbinaysaan,? Sacbinta haweenkaa leh oo ay caadadood tahay. Qofkii ay wax ku soo kordhaan isagoo tukanaya ha yiraahdo: subxaanallaahi. Qofkii subxaanallaahidiisa maqlaa waa baraarugayaa. Abuu Bakarow (A.K.R.) maxaad ku diiday inaad sii waddo salaadda markii aan kuu ishaaray inaad sidaa yeesho? Wuxuu yiri: Lama habboona Abuu Quxaafah (waa abuu Bakar) inuu dadka tujiyo Nebegii (S.C.W.) oo jooga". (Bukhaari iyo Muslim)

Fiiro gaar ah: Abuu Quxaafah waa magaca Abuu Bakar Aabihii.ش

logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Feed not found.

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1027845
Today
Yesterday
All days
2765
1661
1027845
2025-05-23 23:34

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_683105ed3cd9921093471561748043245
title_683105ed3ced115582807691748043245
title_683105ed3d00517649845291748043245
title_683105ed3d1332780831731748043245
title_683105ed3d25d12694493541748043245
title_683105ed3d39212640352071748043245

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_683105ed3e7442351147881748043245
title_683105ed3e86619724640691748043245
title_683105ed3e9845959189811748043245
title_683105ed3eaaf358814961748043245

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com