BIDCOOYINKA IYO ARRIMAHA LAGU SOO BIRRIYO DIINTA WAA XAARAAN REEBBAN

Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

71. " Xaq maxaa ka soo hara oo aan baadinnimo ahayn" Suuradda Yuunis: Aayadda 32.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

72. " Kitaabka (Looxa maxfuudka) waxba kuma aannu dhaafin". Suuradda Al-Ancaam: Aayadda 38.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

73. " Haddii aad wax isku qabataan u celiya Alle iyo Rasuulka (yacni u bandhiga Qur'aanka iyo sunnada)". Suuradda. An-Nisaa: Aayadda 59.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

74. " Jidkaygii oo toosan wakaase raaca, jidad kale ha raacina yaysan jidkiisa idinka dhumine". Suuradda Al-Ancaam: Aayadda 153.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

75. " Ku dheh (Muxammadow, S.C.W. dadka) haddii aad Alle jeceshihiin i soo raaca Alle waa idin jeclaanayaa oo idiin dambi dhaafayaaye". Suuradda Aali-Cimraan 31.

169. Caa'isha (A.K.R.) Waxay tiri: Nebiga (S.C.W.) wuxuu yiri: " Haddii uu qof isku dayo inuu ku soo daro arrinkayagaan (diinta Islaamka) waxaan ka mid aheyn, waa in lagu diiddaa (qofka bidcidaa la yimidna waa in la ceebeeya, oo la dhaleeceeyaa (haddii uu ku sii socdo kaddib markii laga waaniyo oo xaqa loo caddeeyo)". (Bukhaari iyo Muslim)

Werin kale oo Muslim ku taal waxay ahayd: " Haddii uu qof keeno ama falo wax arrinkayaga (diinta Islaamka) ka baxsan, oo aan anigu jideyn, waa in lagu diidaa (oo waa in qofkaa ka mas'uulka ah ama bidcadaa wata la ceebeeyaa, haddii uu ku sii socdo kaddib markii laga waaniyo oo xaqa loo caddeeyo)". (Bukhaari iyo Muslim)

170. Jaabir (A.K.R.) Wuxuu yiri: Markii uu nebigu (S.C.W.) uu inoo khudbaynayo indhahaa gaduudan jirey, codkiisana kor buu ahaan jiray, waxaadna moodi jirtey sida inuu inooga digayo col innagu soo food leh. Wuxuu oran jiray: War cadowgii wuxuu idin soo hayaa subaxan, ama cadowga wuxuu xaggiina u soo dhiitinayaa fiidkii. Wuxuu kaloo oran jirey: Soo diriddaydii iyo soo bixinta Saacadda waa laba wada socda oo isugu lammaanan sida labadayda farood (intuu far dhexaadda iyo murugsatada isku lammaaniyey) Dabadeedna wuxuu oran jirey, intaas kaddib, hadal waxaa ugu sita kitaabka Alle, hanuunna waxaa ugu sita hanuunkii Muxammad (S.C.W.) arrimahana waxaa ugu shar badan in arrimo cusub lagu daro caqiidada Islaamka iyo iimaanka iyo guud ahaan waxa lagu daro diinta oo aan ka mid aheyn ee bidcada ah. Bidcid kastaana waa baadi iyo habow. Dabadeedna wuxuu oran jirey; Anigaa mu'min walba naftiisa ka xiga (yacni waxaan ahay kheyr iyo samaan la doone muslimiinta) (Sidaa daraaddeed) Haddii uu qof muslim ah ka tago xoogaa hanti ah waxaa leh dadkiisa. Haddii uu dhinta oo uu ka tagaana deymo iyo carruur dayacan anigaa u xilsaaran, oo dusha u dhiganaya bixinta deymahiisa iyo daryeelka carruurtiisa. (Muslim)

Fiiro gaar ah: Wuxuu yiri Qaadi Ciyaadh qofkii curiya ama keena isagoo ka mid dhigaya Islaamka arrin cusub aan ku jirin QurÕaanka iyo sunnaha nabiga (S.C.W.) waa in la dhaleeceeyaa (ama loo arkaa khaaÕin ka noqday diintii) Waayo diinta Islaamka waa ebyan tahay oo ka dhan tahay dhinac kasta, mana jirto baahi in wax lagu soo dirriyaa ah, hadday tahay siyaadin ama naaqusin. Sidaa awgeed, qofka taa isku dayaya waa qof doonaya inuu keeno oo ku soo daro shareecada wax xun oo aan ciribtooda la mahadin doonin.

Iimaanku wuxuu ku kooban yahay in la rumeeyo oo la raaco waxyiga Ilaahiga ah, iyo sunnaha iyo dhaqanka nabiga (S.C.W.) iyo asxaabtiisa. Sidaa awgeed qofka sidaa ah (ee doonayo inuu wax ku daro mabaadida diinta iyo qodobbadeeda ama wax ka naaqusiyo ee sidaa ula kaca u yeelaya) waa in loo arkaa qofkaa qof Islaamkii khaaÕimayo oo luggooyo la doonaya muslimiinta. Intaanan tillaabada ku habboon laga qaadinna waxaa wanaagsan in loo caqli celiyo oo loo naseexeeyo, xaqa loo caddeeyo, jahliga laga saaro, intaa kaddib haddii uu ku sii adkeysto fidinta bidcada iyo hirgelinteeda waa in mowqaf cad laga istaagaa oo dadka looga digaa.

logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Feed not found.

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1027890
Today
Yesterday
All days
2810
1661
1027890
2025-05-23 23:50

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_683109bd5261719553530991748044221
title_683109bd526f818548500451748044221
title_683109bd527c67663292161748044221
title_683109bd5289215162529871748044221
title_683109bd5295b12704778491748044221
title_683109bd52a269456135831748044221

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_683109bd5373d10131222201748044221
title_683109bd538101401633411748044221
title_683109bd538de1086260541748044221
title_683109bd539aa1593478111748044221

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com