11. Su’aal: Ma noqonkartaa ducadu macne aan cibaado ahayn?
Jawaab: Haah, wuxuu yiri Eebbe kor ahaayee: (Hakadhigina ducada (uyeeridda) Rasuulka dhexdiinna sida ducada (uyeeridda) qaarkiin qaarka kale) an-Nuur:63.

12. Su’aal: muxuu yahay xukunka in loo yeero Nabi ama Wali haddii uu doono ha maqnaadee ama in laga codsado wax aanan caadi ahayn?
Jawaab: Arrinkaasi wuu bannaanyahay maxaa yeelay taas cibaado la caabudo cid aan Eebbe ahayn ma aha, weedha “yaa rasuulu laahi” oo kaliyana shirki Eebbe ma aha, waxaana sugnaaday in Bilaal bin al-Xaarith al-Muzani uu yimid qabriga Nabiga sanad jiilaal ah maalmihii imam Cumar kolkaas buu yiri: “Nabigii Ilaahayow u roobdoon ummaddaada maxaa yeelsy way abaarsadeen” waxaa soo weriyay al-Bayhaqi iyo qaar kale, Cumar ama cid kalena kuma diidin, taa daaye wuuba u bogay falkiisa. Wuxuu yiri Eebbe kor ahaayee: (Haddii ay kolka ay naftooda dulmiyaan kuu imaan lahaayeen ee ay Eebbe dambidhaaf waydiistaan uuna u dambi dhaaf waydiisto rasuulku waxay heli lahaayeen Eebbe towbada aqbala oo naxariista) an-Nisaa’: 64. Waxaa kale oo sugnaaday in Ibn Cumar uu yiri: “Muxamadow” kolkii ay lugtiisu qallashay. Waxaa soo weriyay al-Bukhaari kitaabkiisa al-adab al-mufrad.

13. Su’aal: Cadee Macnaha istiqaathada iyo isticaanada iyo daliilkooda.
Jawaab: istiqaathadu (baryda) waa in kaalme la doono kolka cariiri la galo, isticaanada (kaalmaysiga) ayaana ka sii ballaaran wuxuu yiri Eebbe kor ahaayee: (Kaalmaysta Sabarka iyo Salaadda) al-Baqarah: 45.
Xadiiska: “Qorraxda ayaa u soo dhawaan doonta madaxyada dadka maalinta qiyaamaha, ayaga oo kolka sidaa ah ayay waxay baryi (istiqaatho) doonaan Aadam” waxaa soo weriyay al-Bukhaari. Taasina waxay caddaynaysaa in cid aan Eebbe ahayn in wax la waydiisto ay bannaantahay hase ahatee waa in la ogaado in aan cid aan Eebbe ahayn waxna dhibayn waxna anfacayn run ahaantii.

14. Su’aal: Ka hadal tawasulka Nabiyaasha lagu tawasulo.
Jawaab: Way bannaantahay in lagu tawasulo culumaduna way isku raacsanyihiin. Tawasulkuna waa in la waydiisto Eebbe in manfaco laguu soo jiido ama in lagaa fogeeyo dhibaato ayada oo la xusayo nabi ama wali ayada oo lagu karaamaynayo qofkaas lagu tawasulay, ayada oo isla markaa la ictiqaadsanyahay in uu Eebbe yahay midka wax tara ama wax dhiba xaqiiqo ahaan, wuxuu yiri Eebbe: (doona waxaad –Eebbe- ugu dhawaanaysaan) al-Maa’idah:35.
Xadiiska: “Wuxuu rasuulku baray ninkii indhoolka ahaa in uu ku tawasulo kolkaas buu falay asiga oo aanan nabiga la joogin kolkaas baa Ilaahay u soo celshay araggiisii” waxaa soo weriyay ad-Dabaraani oo saxay.

15. Su’al: Ka hadal Tawasulka Awliyada.
Jawaab: Way bannaantahay in lagu tawasulo mana jirto cid isku khilaafsan arrinkaas oo ahlulxaqa ka mid ah salafka iyo khalafka intaba.
Xadiiska: Imaam Cumar ayaa ku tawasulay al-Cabbaas asiga oo leh: “Eebbow waxaan kuugu soo tawasulaynayaa Nabigaaga Adeerkiis” waxaa soo weriyay al-Bukhaari.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1630121
Today
Yesterday
All days
830
1745
1630121
2026-04-03 09:52

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_69cf8dc1bf4df19350718511775209921
title_69cf8dc1bf52e20841087231775209921
title_69cf8dc1bf57c2521915201775209921
title_69cf8dc1bf5c65387513681775209921
title_69cf8dc1bf61019658193131775209921
title_69cf8dc1bf65910942181601775209921

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_69cf8dc1d37203587765161775209921
title_69cf8dc1d377020021300471775209921
title_69cf8dc1d37bd7498881871775209921
title_69cf8dc1d38098421946391775209921

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com