ARBAIN NAWAWIY


arbain nawawi


” لا يحل دم امريء مسلم إلا بإحدى ثلاث”

عن ابْنِ مَسْعُودٍ رضي اللهُ عنه قالَ: قالَ رسُولُ الله صلى الله عليه وسلم: [لاَ يَحِلُّ دَمُ امْرِئٍ مُسْلِمٍ إلاّ بإحْدَى ثَلاَثٍ: الثَّيِّبُ الزَّاني، وَالنَّفْسُ بالنّفْسِ، وَالتَّارِكُ لِدِيِنِهِ الْمُفَارِقُ لِلْجَماعَةِ

رَوَاهُ الْبُخَارِيّ وَمُسْلِمٌ


  XADIIS 14


Waxyaala Dhiiga Muslimka Banneynaya


”Waxaa laga weriyay ibn Mascuud (Allah haka raalli noqdee):

”Inuu yiri Rasuulka Illahay (scw) wuxuu yiri: Qof muslim ah ma bannaana in dhiiggiisa la daadiyo haddaanu saddexda arrin midkood uusan ku kicin:

Qofkii isagoo reer leh, ama horay reer u yeeshay ee dhilleysta;

Kii qof muslim ah dila;

Qofka diinta ka baxa ee ururka muslimka ka faquuqma.” [Bukhaari iyo Muslim]

Sharaxa: Xadiiska Afar & Toban

Xadiiskani wuxuu caddeynayaa halka islaamku ka taagan yahay dembiyada foosha xun, maxaa yeelay, dhiigga islaamku aad buu qaali u yahay mana oggola Muslimku in dhayal lagu daadiyo, marka waxaa loo banneeyay dhiigga gof ka dembiyadaa midkood falay waa iney yihiin dembiyo halis ah oo halbowlaha goynaya xasilloonaanta iyo nabadgelyada bulshada muslimka ah ee ku dhisan isku kalsoonaanta iyo iskaashiga.

FAA’IIDADA XADIISKA

1. In seddexdaa dembi ee dhiigga muslimka xalaaleynaya yihiin keli ah sinada uu falo qofka reerka yeeshay iyo qofkii dilay ruux muslim ah iyo qofkii ridoobay;
2. Sida islaamku u ilaaliyo nasabka iyo sharafta qofka muslimka ah;
3. Ilaalinta nabadgelyada iyo wixii bulshada qas gelinaya.


logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1737512
Today
Yesterday
All days
935
1629
1737512
2026-05-24 17:09

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6a1330e6210c817575776841779642598
title_6a1330e62112c21179645021779642598
title_6a1330e62118d5802540491779642598
title_6a1330e6211d47138928631779642598
title_6a1330e62122e837376631779642598
title_6a1330e62128c556046711779642598

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6a1330e63e07b4716977251779642598
title_6a1330e63e0cc20117949761779642598
title_6a1330e63e11914243062181779642598
title_6a1330e63e16420040283721779642598

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com