DUULLAANKII DII AMAR

Wardoonkii Madiina ayaa wuxuu soo gudbiyey in qabiilooyinka la kala yiraahdo banii Thaclaba iyo Muxaarib ay isu urursadeen sidii ay Madiina duullaan ugu soo qaadi lahaayeen. Rasuulku SCW markii uu arrintaa ka war helay wuxuu diyaariyey ciidan dhan Afar boqol iyo kontan nin, waxayna taariikhdu ahayd bishii Muxarram, sannadkii 3aad ee hijriga. Rasuulku SCW magaalada Madiina wuxuu madax uga dhigay Cusmaan ibnu Cafaan, dabadeedna ciidankii ayuu la baxay. 

Dhex markii la sii marayo ayaa waxaa la qabtay nin u dhashay qabiilkii lagu socday ee reer banii Thaclaba, ninkaas, waxa uu ugu yeeray islaamka, isna waa aqbalay oo waa islaamay. Dabadeedna wuxuu horkacay ciidankii si uu u tuso fariisimaha uu cadowga daggan yahay. 

Qabiilooyinkii markii ay maqleen soo bixitaanka Rasuulka SCW ayey ka carareen meeshii ay joogeen oo hawdka galeen. 

Rasuulku SCW wuxuu tegey meeshii ay isku urursanayeen, wuxuuna degganaa halkaas bishii Safar oo dhan, si reer baadiyaha jihadaas deggan oo dhan u ogaadaan awoodda muslimiinta. Ka dibna Rasuulka SCW iyo ciidankiisii waxa ay ku soo laabteen Madiina.

DUULLAANKII BAXRAAN

Bishii Rabbiicul Aakhir, sannadkii 3aad ee hijriga ayaa Rasuulka SCW iyo Saddex boqol oo nin oo uu hogaaminayo u bexeen meesha la yiraahdo Baxraan, oo Xijaas ka mid ah. Wuxuuna u baxay qureysh, meeshii ayuu tegey wuxuuna joogey intii ka dhimanayd bishii Rabbiicul Aakhir iyo bishii ku xigtey ee Jamaadul Uulaa, ka dibna Madiina ayuu ku soo laabtay isaga oo aan wax dagaal ah soo gelin.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1737512
Today
Yesterday
All days
935
1629
1737512
2026-05-24 17:09

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6a1330e6210c817575776841779642598
title_6a1330e62112c21179645021779642598
title_6a1330e62118d5802540491779642598
title_6a1330e6211d47138928631779642598
title_6a1330e62122e837376631779642598
title_6a1330e62128c556046711779642598

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6a1330e63e07b4716977251779642598
title_6a1330e63e0cc20117949761779642598
title_6a1330e63e11914243062181779642598
title_6a1330e63e16420040283721779642598

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com