SOO ISLAAMIDDII REER MADIINA

Dadkii uu Rasuulka SCW kula kulmay mawaasimtii xajka ee uu dacwada gaarsiinayey: waxaa ka mid ahaa lix nin oo reer Madiina ah oo u yimid xaj, lixdaas oo kala ahaa: Ascad binu Suraarah, Cawf binu Xaarith, Raaafic binu Maalik, Qudba binu Caamir, Cuqbah binu Caamir, iyo Jaabir binu Cabdullaahi binu Ri'ab. Siduu kula kulmayna waxay ahayd habeen Nebiga SCW iyo Abuubakar oo ku wareegaya dadka xajka u yimid oo dacwada gaarsiinaya siduu Nabigu xajwalba samyn jiray, ayuu yiri: Kuwamaad tihiin? waxay dheheen koox reer Khasraj ah ayaan nahay. Wuxuu yiri: waalidii Yahuudba? Waxay dheheen haa. Wuxuu yiri: maad fariisataan aan idinla hadlee? Waxay dheheen waa yahay. Markaas Rasuulku SCW u bandhigay islaamka, wayna qaateen; waxayna ku laabteen Madiina, wuxuuna waqtigaasi ahaa sannadkii 11aad laga soo bilaabo soo diriddii Rasuulka SCW.

Sidaa la ogsoon yahay magaalada Madiina waxaa wada degganaa laba qabiil oo carab ah iyo saddex qabiil oo yahuud ah. Yahuuddu waxay rumeysneyd diintii Nabi Muuse oo waxay ahaayeen Ehlu-Kitaab; carabtuna waxay ahaayeen mushrikiin asnaamta caabuda oo aan diin heysan, marar badanna wixii mas'alo diin ah oo ay qabaan waxay weydiin jireen yahuudda. Yahuuddu waxay carabta ugu faani jirtey in uu imaan doono Nabi diintoodu sheegtay oo aakhiru-semaanka imaan doono oo ay rumeyn doonaan iyagu (yahuuddu) lana dagaallami doono iyaga (Carabta). Sidaa daraaddeed lixdaa nin markay Rasuulka SCW arkeenba hore ayey ka islaameen, waxayna xaqiiqsadeen inuu yahay Nabigii ay yahuuddu sheegi jirtay. Ka dibna waxay ku laabteen Madiina iyagoo Ducaad ah, waxayna ku faafiyeen Madiina dacwadii islaamka

 

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1737512
Today
Yesterday
All days
935
1629
1737512
2026-05-24 17:09

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6a1330e6210c817575776841779642598
title_6a1330e62112c21179645021779642598
title_6a1330e62118d5802540491779642598
title_6a1330e6211d47138928631779642598
title_6a1330e62122e837376631779642598
title_6a1330e62128c556046711779642598

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6a1330e63e07b4716977251779642598
title_6a1330e63e0cc20117949761779642598
title_6a1330e63e11914243062181779642598
title_6a1330e63e16420040283721779642598

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com