DHIMASHADII KHADIIJA

Sidaan ogsoon nahay Khadiija waxay ahayd xaaskii Rasuulka SCW ee ugu horreysey haweenkiisa, carruurtiisa oo dhanna u dhashay Ibraahim maahane, Rasuulka SCW aad ayuu u jeclaa, aad beyna u garab istaagtay Rasuulka SCW mar kasta oo u murugoodana way ka baabi'in jirtey nafteedii, maalkeedii iyo waqtigeediina waxay u hurtay diinta islaama waxayna ahayd qofkii labaad ee ay gaaladu ku qaddarin ugana baqi jireen Rasuulka SCW. Waxay Khadiijo dhimatay waqtigii uu Abii-dhaalib dhintay wax yar kadib.

Khadiijo waxay lahayd fadli aad u tira badan oo aan la soo koobi karin haddiise aan wax ka mid ah soo qaadanno. Maalin ayaa malaku Jibriil u yimid Rasuulka SCW markaasuu ku yiri "Rasuulkii Allow tani waa Khadiijo oo wadda weel uu ku jiro cunto ama cabbitaan ama iidaan, hadday kuu timaaddo gaarsii salaan xagga Alle ka timid uguna bishaaree guri Jannada ku yaalla oo ka samaysan Lu'Lu' oo aan dhib iyo daal lahayn". 

Ugu dambayntii Khadiijo wuxu Ilaahay oofsaday sannadkii 10aad ee soo diritaankii Rasuulka SCW iyadoo jirta 65 sano, Nabiguna wuxuu jirey 50 sano, waxayna wada joogeen 25 sano. Sannadkaas ay iyada iyo Abii-dhaalib dhinteenna waxaa la yiraahdaa Sannadkii Murugta, waxaana Rasuulka SCW soo foodsaartay dhib aad u weyn maxaa yeelay waa labadii qof oo ay gaaladu Rasuulka SCW ugaga hakan jireen.

Hase yeeshee Rasuulku SCW iyo asxaabtiisu uma jixinjixin dhib kasta oo ku timaaddda, Allahna qur'aank ayuu intaa ku soo dejinayey uu ku boorrinayey iney ku sabraan dhibka ogaadaanna iney ciribta dambe iyagu iska leeyihiin. Rasuulka SCW wuxuu sannadkaas 10aad markay Khadiijo dhimatay Sawda bintu Samca oo ka mid ahayd muslimiintii hijradii labaad ee dhulka Xabashida aaday ninkeediina halkaas ku dhintay.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1737512
Today
Yesterday
All days
935
1629
1737512
2026-05-24 17:09

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6a1330e6210c817575776841779642598
title_6a1330e62112c21179645021779642598
title_6a1330e62118d5802540491779642598
title_6a1330e6211d47138928631779642598
title_6a1330e62122e837376631779642598
title_6a1330e62128c556046711779642598

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6a1330e63e07b4716977251779642598
title_6a1330e63e0cc20117949761779642598
title_6a1330e63e11914243062181779642598
title_6a1330e63e16420040283721779642598

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com