(وأول وقتها الزيادة على ظل المثل)

(وأول وقتها) waqti geeda bilow giisu (الزيادة) waa siyaadid (على ظل المثل) hooska la midka ah [shey giisii].

Hooska shey giisii la midka ah, wixii siyaada… markii uu siyaada bilaabo ayaa mar kaasi waqtiga Casirka la joogaa.

Yacni soo meynaan dhihin duhurka wuxuu ku ek yahay shey kasta iyo hoos kiisu markay isla ek kaadaan? Isla ek kaan shihiin hadduu ka siyaada uu wax ku darsado oo sheyga iyo hoos kiisii wax yar is dheeraad daan oo hoosku dheeraado markaa, markaas ayuu Casar ka bilaaban nayaa, waa siyaado yar markay timaado saas weeye macnaha.

(ظل المثل) maxaa laga wadaa?

Yacni shey gii iyo hoos kiisii markay isla ek yihiin waxaa la yiraahdaa (ظل المثل) waa isla mid, sheygii iyo hoos kiisii baa isla mid ah.

(ظل) gaasi markuu ka yara siyaado Casir kii baa bilaawday marka.

Sidaas waa sida hadda kitaabka inoo qoray, laakiin waxay qabaan shaaficiyada waqtiga Duhurka iyo Casarka meel uu isugu yimaada ayaa jira, oo markaa shey walba iyo hoos kiisu isla ek yahay…

  • Casar kiina waa soo galay,
  • Duhur kiina waa baxay

Meel ay isaga yimaadaan weeye macnaha.

(وآخره في الاختيار إلى ظل المثلين)

(وآخره) meesha ugu dambeysa na (في الاختيار) sida la doortay [في وقت الاختيار] waqtiga doorashada, waqtiga fiican (إلى ظل المثلين) laba laabka hoos kiisa inta laga gaarayo waaye.

Hoos is laba laabay oo ciddii uu hooska u ahaa isku laba laabay, waqti geeda inta laga gaarayo ilaa intaa na waa [وقت الاختيار].

(وفي الجواز إلى غروب الشمس)

(وفي الجواز) [في وقت الجواز] banaanida waqti geeda dhex deeda na (إلى غروب الشمس) qoraxda dhici taan keeda inta laga gaarayo waaye waqtiga Casarku.

Casarku saddex waqti buu leeyahay:

1: Waqti waa [waqtul fadiila] waa bilowga, waa shey kasta iyo hoos kiisu markay intey isla ek kaadaan siyaada yar ku darmato, soo mid ma aha?

2: Waqti labaad waxaa la yiraahdaa; [وقت الاختيار] Kelimatu [الاختيار] waxaa laga wadaa bi macnaa waqti ka fiican wixii ka dambeeya. Kelima daa [الاختيار] na inta badan Imaamka mad-habka ayaa aad u isticmaala.

Kitaab kiisa [um qaaya] haddaad aragtaan (في الاختيار) buu ku leeyahay, bi macnaa sida la doortay oo fiican waaye, waa laga fiican yahay laakiin waa sida roon, saas weeye [في وقت الاختيار] waqtiga roon ee waqti ka fiican na ka hor maray, waqti uu isaga ka fiican yahay na ka dambeeyo [وقت الاختيار] bey u yaqaan naan.

Waqti gaasi na waxa weeyaan;

Waa ilaa inta shey walba hoos kiisu ku laba laabmayo, waqtigaa na waa [وقت الاختيار], oo waa tukan kartaa [bi duuni karaah] sooma aha?

3:  [وقت الجواز] baa jira waqti iska banaan, laakiin uu xooggaa laga fiican yahay.

Waa waqti gee?

Waa ilaa ay qoraxdu ka dhacayso.

Qoraxdu markay dhacdo markaa waqtigii waa baxay macnaha, qoraxda, ilaa qoraxda dhici taan keeda inuu ku ek yahay salaadda Casarku xadiiska Nabigaﷺ ayaa tilmaamayaa,

Xadiis Abii Hurrayrah:

‘’Nin kii salaadda Subax hal rakcad ka gaara inteyna qoraxdu soo bixin, salaad dii Subax waa gaaray. Nin kii salaadda Casar ka gaaro qoraxda inteyna dhicin hal rakcad ah, salaad dii Casar waa gaaray.’’

Xadiis kaas ayaa sheeg gaya oo Bukhaari iyo Muslim ay soo saareen.

 

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1737512
Today
Yesterday
All days
935
1629
1737512
2026-05-24 17:09

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6a1330e6210c817575776841779642598
title_6a1330e62112c21179645021779642598
title_6a1330e62118d5802540491779642598
title_6a1330e6211d47138928631779642598
title_6a1330e62122e837376631779642598
title_6a1330e62128c556046711779642598

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6a1330e63e07b4716977251779642598
title_6a1330e63e0cc20117949761779642598
title_6a1330e63e11914243062181779642598
title_6a1330e63e16420040283721779642598

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com