ARBAIN NAWAWIY


arbain nawawi


"من رأى منكم منكرا فليغيره بيده"

عن أبي سعيدٍ الْخُدْرِيِّ رضي الله عنه قال: سمعتُ رسولَ الله صلى الله عليه وسلم يقول

       مَنْ رَأَى مِنْكُمْ مُنْكَراً فَلْيُغَيِّرْهُ بِيَدِهِ، فَإنْ لمَْ يَسْتَطِعْ فَبلِسانِهِ، فَإنْ لَمْ يَسْتَطِعْ فَبقَلْبِهِ، وَذَلِكَ أضْعَف اْلإِيمَانِ

رَوَاهُ مُسْلِمٌ


XADIISKA 34aad


FEEBIDDA IIUNKAFKA


Waxaa laga weriyey Abuu-Saciid Al-Khudri(Allaha ka raalli noqdee), in uu yiri, waxaan kamaglay Basuulkii llaahay (s.c.w.) asagoo feh:Qofkii arkaa wax munkar ah ha ku reeboEacantiisa, hadduu kari waayo, ha ku reeboc:arrabkiisa, hadduu kari waayo, ha kakahdo qalbigiisa oo ha isaga tago qoladaxumaha xambaarsan markay xumaanta kujiraan isagoon waxba ka qaban karin,,waana ka ugu iimaan daciifsan. [Waxaa weriyey Muslim.]

SHARAXA

Xadiiskani waa saldhigga is-hanuuninta,dhowridda iyo badbaadinta xasilloonaantabulshada iyo nabadgefyadeeda. Qof kasta oo
Muslim ah, waxaa xil ka saaran yahay ilaalintasharciga, marka hadduu arko qof sharciga kuxad-gudbaya waa in uu xilkiisa guto oo aanuindhahana ka qabsan, wuxuu qaban karana waasaddex heer:Kan koowaad waa in uu xumaanta xoog wax kagaqabto. Tusaale ahaan hadd uu arko qof dadkadulmaya oo wax dilaya ama wax dhacaya ama waxgubaya iwm, waxaa waajib ku ah in uu qabto oo uuka joojiyo dulmiga hadduu awoodi karo.Heerka labaad haddii aanu awoodi karaynin in uugacanta wax kaga gabto waa in uu la hadlo, Alla kabaq yiraahdo, xaqana u sheego.Heerka seddexaad haddii uu labadaa midkood kariwaayo, waxaa waajib ku ah in uu qalbiga ka kahdo,meesha munkarka lagu hayo ka dheeraado isagooka xun sharcigaa lagu tumanayo oo aanu waxba kaqaban karayn, waxaana lagu tilmaamay in heerkadambe yahay ka ugu daciifsan ee liita.
Haddaba, qofka Muslimka ah, waa in uu ogaado inarrin kastoo khifaafsan sharciga Alfa oo hortiisaama gurigiisa ama dukaankiisa fagu falo in waajibka saaran yahay in uu xumaantaa jooiiyo, hadba,sidii u suuragal ah, maxaa yeelay, haddii uuogg,olaado xumaantaa hortiisa lagu sameeyey oosharciga lslaamka lagu xad-gudbay waxaydhibaato soo gaarsiin doontaa bulshada, waxaanalaga yaabaa in dhibaatada ama macsiyadaa uuraalli ka noqday gurigiisa ugu soo gasho, sababtooah bulshadu wey isku wada xiran tahay. Haddaba,Muslim ka runta ah waa kaa diyaarka u ah lajihaadidda xumaanta iyo qaska ama macsiyadadhammaanteedba, macsiyadu waa kuxad-gudbidda waxyaalaha sharcigu lslaamkareebay, wax aallaale wixii sharcigu reebayna waawax lagu daryeelaayo danaha bulshada, ha noqotoxagga nabadgelyada, xasilloonaanta, iskaashigaiwm. Waxaase laga doonayaa ruuxaa reebayaxumaha ee ka hor tagaya ku xadgudubka sharcigainuu yahay qof aqoon u leh sharcigii, si uusan uinkirin u na reeban arrin bannaan, ama u qirin arrinreebban. waxaa sidoo kale la doonayaa in waxaa
uu reebayo ayan ka dhalaneyn dhibaatooyin iyadiika badan.

FAA'IIDADA XADIISKA

1. Qofka Muslimka ah, waxaa waaiib ku ah in uumacsiyada iyo dulmiga baabi'iyo, hadba intaawooddiisu tahay;

2. Qofkii awoodi kari waaya waajibka wax kagabashada xummaanta waa in uu qalbiga ka inkiro;

3. Haddii aan xumaanta laga hortegin dhibaataduwaxay soo gaaraysaa bulshda inteeda kale.


logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1630121
Today
Yesterday
All days
830
1745
1630121
2026-04-03 09:52

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_69cf8dc1bf4df19350718511775209921
title_69cf8dc1bf52e20841087231775209921
title_69cf8dc1bf57c2521915201775209921
title_69cf8dc1bf5c65387513681775209921
title_69cf8dc1bf61019658193131775209921
title_69cf8dc1bf65910942181601775209921

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_69cf8dc1d37203587765161775209921
title_69cf8dc1d377020021300471775209921
title_69cf8dc1d37bd7498881871775209921
title_69cf8dc1d38098421946391775209921

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com