Bilaha xurmada leh.

Rasuulka Ilaahay SCW awoowihiis Cabdul Mudhalib, wuxuu jideeyey weyneynta afarta bilood oo xurmada leh, oo ah Rajab, Thul Qacdah, Thul Xajjah iyo Muxarram, oo dhexdooda uu dagaal iyo is dilid ay ka reeban tahay. Waxaa Ilaahay SWT xurmadaas ku sharciyeeyey Aayadda 36 ee Suuratul Al Tawbah, taasoo oranaysa:

"Inna ciddata ashuhuuri cindallaahi ithnaa cashara shahran fii Kitaabillaahi yawma khalaqa assamaawaati wal arda minhaa arbacatun xurumum thaalikaddiinu al qayyimu falaa tathlimuu fiihinna anfusakum wa qaatilul mushrikiina kaaffatan kamaa yuqaatiluunakum kaaffatan waclamuu annallaaha macal muttaqiina".

Aayaddaan Kariimka ah macneheedu waxaa weeye:

"Bilaha tiradooda, Ilaahay agtiisa ahaaday 12 bilo ah weeyaan, Ilaahay agtiisana ahaadeen, maalin uu abuuray samaawaadka iyo dhulka. Waxaa bilahaas ka mid ah afar oo xurmo leh".

Hadaba, halkaan xukun ayaa naloogu sheegayaa. Waqtigii jaahiliga, ee Islaannimada horteed ahaa, carabtu waxay ku isticmaali jirta bilaha carabiga, oo bilaha lagu xisaabiyo markay bishu dhalato oo dayaxa la arko. Kuma xisaabtami jirin bilaha iyo sanadka socodka qorraxda lagu xisaabiyo. Marka waxaa dhaceysey in bisha Xajku ay hadba xilli kale ku soo aaddo, oo mar ku beeganto xagaa, mar ay ku beeganto jiilaalka, mar ay ku beeganto gu'ga marna ay ku beeganto dayrta. Carabtu waqtigii jaahiliga, markay ka foogaadeen Diintii Nabi Ibraahiim iyo Nabi Ismaaciil, Naxariistii Ilaahay dushooda ha ahaatee, qasadka wayn oo ay xajka u imaan jireen wuxuu ahaa ganacsi, oo waxayba ku magacaabi jireen Mawsimka.