WAA IN LAYSU NASEEXEEYAA

Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

84. “ Mu’miniinta uun baa walaalo ah’. Suuradda Al-Xujuraat: Aayadda 10.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye: oo uu ka soo weriyey inuu Nuux (C.S.) yiri isagoo dadkiisii la hadlaya: 

85. “ Waa aan idiin naseexaynayaa”  Suuradda Al-Acraaf Aayadda 26.

Huud Alle wuxuu sheegay inuu yiri:

85a. “ Waxaan idiin ahay naseexo wadeen aammin ah’. Suuradda Al-Acraaf: Aayadda 68.

181. Tamiim ibn Aws Ad-daari (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “ Diintu waa waano”. Waxaannu niri: Rasuulkii Alloow yay u tahay? Wuxuu yiri: ‘ waxay u tahay Alle, Qur’aanka, rasuulkiisa, iyo muslimiinta- dawladda iyo dadweynaba’. (Muslim)182. Jariir bin Cabdullaah (A.K.R.) wuxuu yiri: “ Waxaan Rasuulka Alle Axdi kula galay inaan salaadda oogo oo sekada bixiyo, iyo inaan wanaag la jeclaado qofkasta oo muslim ah oo u naseexeeyo’. (Bukhaari iyo Muslim)

183. Anas (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “ Qofkiin mu’min dhan noqon mahayo jeer uu walaalkiis Islaamka la jeclaado waxa uu naftiisa la jecel yahay”. (Bukhaari iyo Muslim)

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1737950
Today
Yesterday
All days
1373
1629
1737950
2026-05-24 18:07

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6a133e719641d19891752081779646065
title_6a133e719646d3263929281779646065
title_6a133e71964ba10738125571779646065
title_6a133e719650a919963291779646065
title_6a133e71965568832117031779646065
title_6a133e71965a213735441971779646065

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6a133e71aa63d4993820121779646065
title_6a133e71aa68e18774601381779646065
title_6a133e71aa6db9530960491779646065
title_6a133e71aa7296632955661779646065

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com