TIIRKA AFRAAD: SOONKA BISHA RAMADAAN Ilaahay koreeye wuxuu yiri: {Salaaddana ooga sakadana bixiya waxaad u hormarsataan Naftiina oo khayr ah waxaad ka helaysaan Eebe agtiisa, Eebana waxaad camalfaIaysaan waa arkaa}. [suurada al-baqara 110]. Ramadaanku waa bisha sagaalaad ee sanadka hijriga ah, waana bil muslimiinta kuwayn agtooda, bilaha kalena way ka duwan tahay, in lasoomo bishaasna waa tiir ka mida shanta tiir ee islaamka. Macaha soonka bisha ramadaan waa: inuu ilaahay dartii uga afxirto cuntada iyo cabitaanka iyo galmada, iyo wixii kale ee afuriya ruuxa, laga bilaabo aadaanka salaada fajar ilaa qorax dhaca, bisha dhamaanteedba. TIIRKA SHANAAD: XAJKA BAYT/GURIGA ILAAHAY EE LA XURMEEYAY Ilaahay koreeye wuxuu yiri: {Eebana wuxuu ku leeyahay Dadka Xajka Baydka Ruuxii kara Wadada} [suurada Aali-cimraan, aayada 97] Xajka waxaa lugu leeyahay ruuxii awooda, waana halmar intuu noolyahay, taasoo macnihiisu yahay: in ruuxu u baqoolo baydka xurmada leh iyo meelaha mashaacirta muqadaska ah, kuna yaala Makka Almukaramah, si uu halkaa ugu guto cibaado leh timaamo iyo wakhti u gaar ah. Nabi muxamed iyo Nabiyadii ka horeeyayna--calayhimu salaatu wasalaam- way xajiyeen, ilaahaybaana-koreeye- ku amray Nabi ibraahiim inuu dadka ugu yeero xajka, sida u ka waran quraanka kariimka ah. {Ogaysiina Dadka Xajka ha kuu Yimaaddeen iyagoo Lugayn iyo mid Bog Dheer Dhammaanteed oo ka iman Jaha kasta oo Dheer}. [suurada al-xaj, aayada-27]

logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Feed not found.

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1321406
Today
Yesterday
All days
214
2808
1321406
2025-11-07 02:21

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_690d579087dc719599744621762482064
title_690d579087e9b20870472371762482064
title_690d579087f7b11930127351762482064
title_690d57908804a19576873991762482064
title_690d57908811612810720631762482064
title_690d5790881e215706972791762482064

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_690d579088eeb17519197341762482064
title_690d579088fc120027298441762482064
title_690d57908909613163213311762482064
title_690d5790891666434926361762482064

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com