Aadaabta Islaamka Ka Hor Raaxada Lammaanaha

 

Marka sayga iyo ooridu si fiican ugu diyaargaroobaan Raaxada (galmada) siiba xagga nadiifinta jidhka iyo udgoonaynta waa inay ku dhaqmaan oo raacaan asluubta Islaamka inta aanay samayn hordhaca raaxada (hammad-kicinta ama hordhaca galmada - Foreplay) ama raaxada lafteedaba. Asluubta Islaamka ee la rabo in lagu dhaqmo ka hor hordhaca raaxada iyo galmada lafteedaba waxaa ka mid ah:-

• FAHMIDDA GAARNIMADA GALMADA: Waxaa aad iyo aad muhiim u ah in sayga iyo ooriduba fahmaan in galmo-samayntu tahay arrin gaar ah oo sir u ah labadooda. Sidaas daraadeed, waa inay hubiyaan inay keli ku yihiin qolka marka ay samaynayaan hordhaca galmada ama galmada lafteedaba oo aanay la joogin cid kale. Waa inay iska xijaabaan ama iska ilaashaan xataa khaawisaadda dadka waaweyn iyo carruurtaba. Waxaa kale oo muhiim ah in albaabka qolkoodu uu si fiican u xidhanyahay si aan qofna uga soo dul dhicin ama si kedis ugu soo gelin. Waa inay hubiyaan in daaqadaha qolkoodu wada xidhanyihiin isla markaana daahyadu si fiican u sii deysanyihiin si aan qofna ama jaarku u arkin. Shareecada Islaamku aad ayay uga soo horjeedaa una cambaaraysaa muujinta ama bandhigidda galmada dadka hortiisa, taas oo ah dembi culus iyo macsi. Waa waajib Diini ah in dadka laga qariyo qaawanaanta qofka. Runtii, waa sharcidarro waana dembi fool xun in galmo lagu sameeyo meel laga arkikaro.

• KA FOGAANSHAHA SANQADHA IYO CODKA: Waxaa muhiim ah in lammaanuhu codkooda qariyaan waqtiga hordhaca raaxada iyo waqtiga galmadaba si aan dadku u maqal. Sidaas oo kale, sayga iyo ooriduba waa inay ka fogaadaan sanqadha marka ay ku jiraan raaxada si aan loo maqal. Aadaabta galmada ee Islaamka ayaa ay ka mid tahay in lammaanuhu ka fogaadaan iskana ilaashaan hadalka badan waqtiga ay ku jiraan hordhaca galmada iyo galmada lafteedaba.

Shareecada Islaamku ma ammaanto hadalka marka lammaanuhu ku jiraan galmada sababta oo ah waa kulan qarsoodi ah oo u gaar ah sayga iyo oorida. Sida ay makruuh u tahay in lagu hadlo musqusha, ayaa la diidanyahay oo ay makruuh u tahay in lagu hadlo galmada kaas oo dadka dibeddu dareemikaraan ama maqlikaraan. Hadal hoose lammaanuhu waa wadaagikaraan oo aanay maqlayn dadka dibadda kuna eg naftooda.

• REEBANAANTA IN LABA XAAS HAL QOL LA ISKUGU KEENO: Haddii nin qabo laba haween ah, waxaa xaaraan ah inuu hal qol oo qudha marba mid kula sameeyo hordhaca galmada (hammad-kicinta) iyo galmadaba iyaga oo qaawan oo is arkaya ama is-daawanaya. Shareecada Islaamku ma oggola arrintan xataa haddii labada haweenba raalli ka yihiin, waana dembi in midkastaba aragto midda kale oo qaawan ama lala samaynayo galmo. Sababta kowaad waxaa weeye inaan la oggolayn in haweeney aragto qaawanaanta ama cawrada haweeney kale xataa haddii la wada qabo.

Cabduraxmaan Abu Sacad Al-Khudri (R.C) waxaa uu ka soo xigtay Aabbihiis (R.C) in Rasuulka Ilaahay (S.C.W) yidhi: "Nin waa in aanu arkin xubinta taranka ee nin kale, haweeneyna waa in aanay arkin xubinta taranka ee haweeney kale. Nin waa in aanu nin kale la jiifsan oo wax wada huwan, haweeneyna waa in aanay haweeney kale la jiifsan oo wax wada huwan." (Saxeex Muslim 338, Sunanka Abu Daawuud 4018, Saxeex).

Cabduraxmaan Abu Sacad Al-Khudri (R.C) waxaa kale oo uu ka soo xigtay Aabbihiis (R.C) in Rasuulka Eebbe (S.C.W) yidhi: "Haweeney ma eegikarto qaawanaanta ama cawrada haweeney kale, nina ma eegikaro qaawanaanta ama cawrada nin kale." (Sunanka Ibnu Maaja 661, Saxeex).

Sababta labaad waxaa weeye in galmadu tahay arrin u gaar ah labada (2) qof ee samaynaya oo qudha maadaama Shareecada Islaamku reebayso in sayga iyo ooridu uga sheekeeyaan arrimaha galmadooda dadka kale ama qof seddexaad, arrintaas oo ah sharcidarro, dembi, iyo anshax xumo haddii la sameeyo. Sayga iyo oorida waxaa labadaba ka reeban ama xaaraan ka ah inay fidiyaan sirta waxa labadooda ku dhexmara sariirta. Xaqiiqdii, waa arrin sharcidarro ah in la fidiyo, laga sheekeeyo, ama la ogaado sirta galmada laba (2) qof dhexmarta oo is- qaba. Sidaas ayay xaaraan ku tahay in hal (1) qol la iskugu keeno laba (2) xaas ama wax ka badan oo midkastaba arkayso qaawanaanta midda kale ama sirta galmadeeda ee lagu samaynayo horteeda iyada oo qaawan.

Abu Sacad Al-Khudri (R.C) waxaa uu soo weriyay in Rasuulka Ilaahay (S.C.W) yidhi: "Ilaahay hortiisa waxaa Maalinta Qiyaamaha dadka ugu xun ka mid ah ninka ooridiisa la sameeyo galmo iyaduna la samayso dabadeed ka war-sheekooda waxa ku dhexmara sariirta." (Saxeex Muslim 1437, Buluuq Al-Maraam 1017, Saxeex).

logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Feed not found.

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1026413
Today
Yesterday
All days
1333
1661
1026413
2025-05-23 17:36

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6830b22d9d5742405041891748021805
title_6830b22d9d65d19832763731748021805
title_6830b22d9d7331509458391748021805
title_6830b22d9d80210896798091748021805
title_6830b22d9d8d015112933761748021805
title_6830b22d9d9a19778820381748021805

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6830b22d9e737808176321748021805
title_6830b22d9e8155566746471748021805
title_6830b22d9e8e416615608881748021805
title_6830b22d9e9bd19816903751748021805

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com