TIIRKA LIXAAD:Qadarka oo la rumeeyo
الإيمان بالقضاء والقدر
C: Alle –Subxaanahu – uunka maqaadiirtiisu qaddaray, wax walbana intuuna dhicin buu ogaaday ,hadana qoray, kadibna intuu doonay ayuu abuuray, oo mu’minku wuxuu ogyahay in wixii asiibay uuna ahaadeen ku seega, wixii seegayna uuna ahaadeen mid asiiba, oo wuxuu rumaysan yahay qaddaha Alle iyo qaddarkiisa, oo wuxuu doonaa ahaanaya, wuxuuna dooninna ma ahaanayo, kolkay muslimka musiibo hesho wuu sabraa, Alle agtiisuuna ajrigeeda ku kaydsadaa, maadaama uu ogyahay inuu Alle waxan ku qaddaray, waxan la neceb yahayna uu ku imtixaanayo, oo haddii Alle agtiisa ajrigeeda sii dhigato Allaa ka sawaabin, ajri waynna ka siin, haddiise uu is xanaajiyo, uu argagaxo waxba kama badalo musiibadii heshay, danbina wuu u soo hoyan, illayn qaddarkii Alluu caaridaye, imtixaankiina wuu ku dhacaye.

Wuxuu muslimku caqiideeyaa oo kale in haddii ummadu isugu tagto si ay wax ugu anfacdo, ayna ku anfacaynin, waxaan ahayn wuxuu Alle u qoray, hadday isugu tagto inay wax yeelaana, ayna yeelaynin waxaan ahayn wuxuu Alle ku qoray, oo qadarka, khayrkiisa iyo sharkiisaba wuu rumaysan yahay iyo inuu mid waliba xagga Alle ka yimid, ka dhibta fayda, dheeftana keenaana Alle oo kaliya yahay, inayna jirin meel Alle laga magan galo oon isaga ahayn, kolkaas ayuu iimaankiisu xoogoobi naftiisuna dagi.

Alla wuxuu leeyahay:

(22) مَا أَصَابَ مِن مُّصِيبَةٍ فِي الأَرْضِ وَلا فِي أَنفُسِكُمْ إِلاَّ فِي كِتَابٍ مِّن قَبْلِ أَن نَّبْرَأَهَا إِنَّ ذَلِكَ عَلَى اللَّهِ يَسِيرٌ
(23) لِكَيْلا تَأْسَوْا عَلَى مَا فَاتَكُمْ وَلا تَفْرَحُوا بِمَا آتَاكُمْ وَاللَّهُ لا يُحِبُّ كُلَّ مُخْتَالٍ فَخُورٍ
.(22-23) الحديد)

“Majirto wax musiiba ah oo dhulka hesha ama nafihiinaba oon ku oolin kitaab intaanaan musiibadanba abuurin, kaasina waa wax Alle ku fudud, waxaana sidaa loo yeelay inaydaan ka murgin wixii idin seegay, kuna farxin wuxuu Alle idin siiyay farax1 , Allana majecla qofkasta oo faan iyo kibir badan.”

[Suuradda (57) al-Xadiid, Aayadda 22-23]

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1737798
Today
Yesterday
All days
1221
1629
1737798
2026-05-24 17:51

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6a133a9c26d9811947998391779645084
title_6a133a9c26de814661992781779645084
title_6a133a9c26e3317210394621779645084
title_6a133a9c26e7e19172204651779645084
title_6a133a9c26ec818974155821779645084
title_6a133a9c26f131934301501779645084

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6a133a9c39e1610802782411779645084
title_6a133a9c39e6413359391261779645084
title_6a133a9c39eb019485926381779645084
title_6a133a9c39efb7262599591779645084

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com