Qodobka Lixaad(Rususha)

J: Rususha guud ahaan, Ciisana gaar ahaan, maxay muslimiintu ka caqiidaysanyihiin?

C: Muslimiintu waxay ka caqiidaysanyihiin inuu Alle soo diray rusul iyo nabiyo, Aadam ugu horreeyay Muxammadna uugu danbeeyay (calayhim assalaatu wassalam)

Waxay rumaysanyihiin oo kale in kulligood xagga Alla laga soo diray, basharna yihiin ,nabi walbana qoomkiisii loo diray, Muxammad oo dadka oo idil loo diray mooyee (Sallalaahu calayhi wasallam), illayn isagaa khatimay nabiyadii, diinta islaamka ee dadka oo dhan loogu soo dhiibayna, diimahaa lagu khatiamy, wuxuuna Alle ka dhigay diin ku habboon goor walba iyo goob walba. Ciisana waxay u caqiidaysan- yihiin inuu yahay addoon Alle, oo guta waajibka cibaado ee lagu leeyahay, iyo inuu yahay rasuul Rabbi nasaara u soo diray, Injiilla ku soo dajiyay, ahna bashar Alle ka uumay hooyo qudha, oo aaba la’aana, mana aha arrin lalasii fajaco, kolkii la garab dhigo Aadam (Calayhi salaam) oo aan hooyo iyo aabo midna kasoo jeedin.

Waxay muslimiintu rumaysanyihiin oo kale, in hooyadii Maryama ay tahay daahir oo ayna zinaysan, oo kii waxaa caqiidaysanna ay muslimiintu u arkayaan inuu kaafir yahay, maadaama Qur’aanka kariimka ah uu Alle kaga waramay daahirnimadeeda iyo dhawrsoonaanteeda, mana banaana in la beeniyo hadalka Alle iyo ka rasuulka midkoodna.

Allana waxa uu Qur’aanka ku leeyahay isaga oo ka hadli xaqiiqada Ciise:

(59) نَّ مَثَلَ عِيسَى عِندَ اللَّهِ كَمَثَلِ آدَمَ خَلَقَهُ مِن تُرَابٍ ثُمَّ قَالَ لَهُ كُن فَيَكُونُ
(60) الْحَقُّ مِن رَّبِّكَ فَلاَ تَكُن مِّن الْمُمْتَرِينَ
{آل عمران (59-60)

“Waa dhab in Ciise Alla agtiisa kula masaal yahay Aadam, Aadanna wuxuu Alla ka abuuray carro, kolkaasuu ku yidhi: ahaw, wuuna ahaanayaa. Xaqu rabbigaa buu ka yimide, ha kamid noqonin kuwa shakisan.”

[Suuradda (3aad) Aala Cimraan Aayadda 59-60]

J: Waxad sheegtay inuu Muxmmad Nabiyada khatimay, diinta islaamkuna diimihii kale khatintay, maxaa u daliila?

C: Rusushii idilkood way ka warrameen Muxammad, Atbaacdoodiina waxay amreen inay raacaan, wuxuu ku yaalaana Tawraat iyo Injiil iyo kutubta samaawiga ah, intii aan labadalin, qissiisiinta iyo raahibiinta qaarkoodna, arrinkaa way ogyihiin, Ciisana banii israa’iil wuu ugu bushaareeyay aqri aayadan:

وَإِذْ قَالَ عِيسَى ابْنُ مَرْيَمَ يَا بَنِي إِسْرَائِيلَ إِنِّي رَسُولُ اللَّهِ إِلَيْكُم مُّصَدِّقًا لِّمَا بَيْنَ يَدَيَّ مِنَ التَّوْرَاةِ وَمُبَشِّرًا بِرَسُولٍ يَأْتِي مِن بَعْدِي اسْمُهُ أَحْمَدُ فَلَمَّا جَاءَهُم بِالْبَيِّنَاتِ قَالُوا هَذَا سِحْرٌ مُّبِينٌ
(الصف (6)

“Xus goortuu Ciise binu Maryama yidhi: ilma israa’iilaw, anigu Rasuul uu Alle idiin soo diraan ahay, Tawreedii iga horraysayna rumaysan, kuna bishaarayn Rasuul bacdigay iman doona, magaciisuna Axmed yahay, kolkii uu mucjizaadkii ula yimidna waxayba yidhaahdeen: kani waa sixir cad.”

[Suuradda (61) As-Saf Aayadda 6]

Taa waxaa wehelisa inuu Muxammad {sallalaahu calayhi wasallam} Nabi yahay nabiguna been ma sheego, wuxuuna innoo sheegay inuu Nabiyada khatimay, islaamkuna diimaha khatiamay, haddana bal eeg: goortuu Nabigu soo daahiray, mudda dheerbaa ka sokaysay, ee wali ma la hayaa wax Nabi ah oo soo baxay, oo run lagu ogaaday, oo diintuu sheegtay u hirgashay, oon ahayn beenaalayaw waxay sheegteeni dharabtii 1ku bakhtiday, Diinta islaamkuse waa (caanbax2) una suubata zaman walba iyo makaan walba, oo sii jiri ilaa qiyaamada, jacaylka Rasuulkuna nafta wuu ku xooganyahay, sidaa owgeed bay muslimiintu u caqiidaysan yihiin inuu Muxammad {sallalaahu calayhi wasallam} Nabiyada iyo Rusushaba khatimay oo Alle wuxuu leeyahay:

مَّا كَانَ مُحَمَّدٌ أَبَا أَحَدٍ مِّن رِّجَالِكُمْ وَلَكِن رَّسُولَ اللَّهِ وَخَاتَمَ النَّبِيِّينَ وَكَانَ اللَّهُ بِكُلِّ شَيْءٍ عَلِيمًا
(الاحزاب (40)

“Ma jiro axad ragiina ka mid ah, oo uu Muxammad {sallalaahu calayhi wasallam} aabbo u yahay, waase rasuul Alle iyo kii Nabiyada khatimay, Allana waa wax walba oge,”

[Suuradda (33aad) al-Axzaab, Aayadda 40]

Sidaa darteed bay haddana u caqiidaysanyihiin inuu Islaamku meel walba iyo zaman walba u suubado.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1737798
Today
Yesterday
All days
1221
1629
1737798
2026-05-24 17:51

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6a133a9c26d9811947998391779645084
title_6a133a9c26de814661992781779645084
title_6a133a9c26e3317210394621779645084
title_6a133a9c26e7e19172204651779645084
title_6a133a9c26ec818974155821779645084
title_6a133a9c26f131934301501779645084

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6a133a9c39e1610802782411779645084
title_6a133a9c39e6413359391261779645084
title_6a133a9c39eb019485926381779645084
title_6a133a9c39efb7262599591779645084

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com