RUNTU WAA DAAWO
EE RUN MA SHEEGNAA ?
الموضـــوع / الصـــدق فضيــــلة
inta runta sheegta waxaa ugu run badan khaaliga abuuray uunka oo dhan -waa Allaah subxaanahu wa tacaalaa- Allaaah subxaanahu watacaalaa wuxuu isku tilmaamay inuu runlow yahay wuuna yahay ,Carabku waa xubinta ugu fiican xubnahoo dhan , waayo waa xubinta lagaga dhawaaqay kalimada towxiidka laa illaaha ila llaah, suuro gal ma,aha in lagu sheego carab yiri laa illaaha ila llaah been, carabku waa sida qorigoo kale hadii kheyr loo adeegsado waa kheyr,hadii kalena waa shar iyo naar aan naxeynin. RUNTU : Waa dabeecad qurux badan oo rabi siiyo ciduu doono, waxeyna astaan u tahay qofka iimaankiisa. Rususha & anbiyada iyo dadkii saalixiinta ahaa ee inaga horeeyey waxaa dhaqan u ahaa run iyo rabi ka cabsi, cibaadada hadaan run laga sheegin asaxi meyso, badeecada hadaan sidey tahay loo cadeynin barako yeelan meyso, banii aadamka hadaan run loo sheegin yeeli maayo,haduu waxaan run aheyn yeelana hagaadho oo hagaadhee wey ka daba imaan, soomaaliduna waxey horey uturi: (Beeni raad ma lehan) runtu waxey qofkii sheega galisaa janada, runtu waxey keentaa alle ka cabsi, runtu waxey keentaa raaxo iyo degenaan ,runtu waxey dadka gaarsiisaa darajada shahiidyada, dadka runta sheega dadku wey aaminaan waana la jecel yahay,waxaan xusuustaa dad shirko ah oo midna xoolaha lee yahay midna run iyo amaano ku galay shirkada , dadka runta sheega waxey ku saf yihiin nabi muxamed s.c.w.. eebihii carabka abuurtayna wuxuu si toosa inoo amray inaan isaga ka cabsoono kadibna dadka runta sheega macooda ahaano, fiiri suurada At-Towba aayada: 119 hadaba diyaar ma u nahay inaad runlow noqono? si aan uga badbaadno munaafiqnimada, runtu waa inay ka muuqato wajigeena & ficilkeena ,runtu waa iney miiska usaaran tahay ganacsadaha iyo gabadha jikada ku jirta & kawaanlaha, ardeyda, askarta, hooyooyinka, dhalinyarada iyo dhamaan bulshadoo dhan , soomaalidu waagii hore waxaa halqabsi u ahaa hadal cad, beentu waxey ahaan jirtay ceeb iyo canbaar aan ka harin beenaalaha, maantana waad ujeedaan dadka qaarbaa waxey aaminsan yihiin qofkaan been sheegin inuusan aduunka la socon Karin, Al-Xamduli-llaah waxaan naqaanaa dad badan oo run ku shaqeysta , hadaba waxaa iga dardaarana:1-Runtu waa raaxo ee runta aan kaalmeysano, beentu waa cadaab ee ciqaabta aan ka digtoonaano. 2-Runtu waa kheyr, beentuna waa shar, 3-Runtu waa halbowlaha iimaanka beentuna waa halbowlaha munaafiqnimada, 4- waa inaan ku barbaarino caruurteena runta , si ay barito ugu noqoto hide iyo dhaqan ay rabi ugu dhawaadaan, waxaa wax aad looga xumaado ah markaad aragtid aabe ama hooyo caruurta hortooda baan ku sheegaya . ha noqdo afgaradkeenu run iyo rabi ka cabsi , been baan sheegi muuminbaana ahay labo is qaadaneysa ma,aha ee halakala daayo, markii nabiga la weydiiyey su,aalo dhowr ah oo ay ka mid tahay muuminku been ma sheegi
karaa? wuxuu ku jawaabay maya . C/QAADIR AKHII
هذا ونسأل الله العلي القرير أن يرزقنا الصدق قي القول والعمل إنه ولي ذلك والقادر عليه .

logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Feed not found.

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1321406
Today
Yesterday
All days
214
2808
1321406
2025-11-07 02:21

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_690d579087dc719599744621762482064
title_690d579087e9b20870472371762482064
title_690d579087f7b11930127351762482064
title_690d57908804a19576873991762482064
title_690d57908811612810720631762482064
title_690d5790881e215706972791762482064

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_690d579088eeb17519197341762482064
title_690d579088fc120027298441762482064
title_690d57908909613163213311762482064
title_690d5790891666434926361762482064

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com