AKHII JOOJI SIGAARKA
Ka hadli maayo maadada laga sameeyey sigaarka iyo inta qof ee sanad walba dartiis ku dhimata iyo sida cadowga islaamku ugu soo iib geeyo dhulalka muslimiinta ee waxaan ka hadli islaamku wuxuu ka yiri sigaarka? sigaarku waa dile qarsoon..
1-Sigaarku wuxuu ka mid yahay xoolaha rabi ku magacaabay Al-Khabaais fiiri suurada Al-Acraaf aayada: 157.

2-Xoolaha sigaarka lagu bixiyo waxey lamid yihiin xoolo la dayacay , rabina wuxuu ku tilmaamay kuwa xoolaha ku tagri fala walaalaha shayaadiinta, sheydaana waa
kaafir ee adigu naftaada raali ma uga noqotay inaad safka sheyaadiinta gasho. Fiiri suurada Al-Israa aayada 26-27 .

3-Sigaarku waa dile qarsoon rabina wuxuu ina lee yahay war dadow naftiina ha. dilina , qofkii isdilana wuxuu galin naarta .fiiri suurada An-Nisaa aayada 29-30 ..
4-Sigaarka oo la cabo waa qar iska tuur rabina wuu diiday in nafta la tahlukeeyo fiiri suurada Al-Baqara aayada : 195.

5-Sigaarku waa dhib socda nabi muxamed na s.c.w. wuu ka digay
in nafta iyo dadka la dhibo, waxaa dhacda marmarka qaar inaad ku tukato dhinaca nin sigaar soo cabay, ka waran hadaan ku dhaho ma dareemeysid waxaad tukatay, qarmuunka sigaarka owgiis .. hadii islaamku diiday inuusan masaajidka imaanin qofkii basal iyo toom soo cuna si uusan muslimiinta u dhibin maxaad u maleynaysaa sigaarka.

6-Xayaatadu waa qaali, weyna gaaban tahay, qofka sigaarka cabana wuxuu ku dadaalayaa inuu xayaatadiisa dadajiyo, sidaas owgeed dadka sigaarka caba iyo kuwaan cabin isku taag iyo tabar ma aha , dhinac walba ...

7-Qofka sigaarka caba raaxo aduun isma hayaan, waayo waa qof jiran oo saacad kasta wadnaha farta ku haya..

8-Qalbigu waa halbowlaha xubnaha ee sabab ha u noqonin inaad.
xubintaas qaaliga ah dishid.

9-Isma qaadan karaan cafimaad baan rabaa iyo sigaar baan cabi, isma qaadan karaaan sheydaan baan ka adkaan iyo sigaar baan cabi, isma qaadan karaan rabi baan adeeci iyo nafteydaan halis galin .
10-Dadku markey maqlaan cudurka la yiraahdo kansar aad ayey u baqaan , waxaase la yaab leh qof ubareerayaa cudurkan halista ah ,aqri baaketka sigaarka dushiisa xataa waxaa ka digaya kuwii sameeyey, qof kastana marka hore cayaar ayaa ugeysa ka dibna dadka intiisa badan dhiiga ayuu la fan galaa , weyna adag tahay marka danbe sidii loo gooyo .
Sigaarku waa quud sheydaan, sigaarku waa cadow qarsoon, waa cadowga nafta waa cadowga xoolaha , waa cadowga akhlaaqda .waa caddowga waxaana kugu filan inuu yahay cadow


DAAWO MA RABTAA ?
1-Iisku day inaan is xusuusisid dhibaatada sigaarka iyo cidhib xumada u danbeysa qofka daaima
Ogow iney wali towbadu kuu furan tahay , wax walbana waa niyo ee rabi u noqo ..

2- Kaalmeyso rabi asbaabna la imow, hana dhihin sida carabta qaar yiraahdaan ad-cii lii markaad tiraahdo sigaarka iska daa ayaa wuxuu ku lee yahay isoo ducee .soomaaliduna waxey tiraahdaa sheydaanbaa iga qaalib noqday, labadaas midna sax ma,aha.

3-Isu eeg faaidada ka imaan karta sigaarka oo lacabo iyo sigaarka oo la iska dhaafo , maalintii meeqaa kaa baxda , ka waran hadaad cunto xalaala ku gadatid ama aad qof miskiina siiso , ama aad lacagtaas masaajid ku dhistid .

4- halagaa helo go,aan aan laalaab laheyn , TALO: waxaad yeeli kartaa inaad tartiib tartiib uga tagto ilaa aad is tiraahdo hada waad goyn kartaa ugudanbeyntii, ha quusanin waligaa, waxaa dhici karta inaad goyso hadana ku noqoto , sheydaanku yuusan kaa reynin ragbaa rabi kaa dhigay rabina waad lee dahay , sigaar, tubaako , qaad , maan dooriyo , khamro dhamaan waa wadooyinka sheydaanku u adeegsado dhuminta banii aadamka .gaar ahaan dhalin yarada Layaab : waxaa raga cabaa ka sii yaab badan haweenka sigaarka caba ...

Waxaa wax aad looga xumaado ah in maanta loosoo beec geeyo sigaarka dhulka muslimiinta, ka dib markey ogaadeen shorkadaha yahuudu inuu sigaarku yahay dile qarsoon , c/qaadir akhii 1423h

logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Feed not found.

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1028384
Today
Yesterday
All days
482
2822
1028384
2025-05-24 01:55

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_683127083f1f412183532061748051720
title_683127083f2f614001042581748051720
title_683127083f3e71961682941748051720
title_683127083f4dd18824572331748051720
title_683127083f5d216901994631748051720
title_683127083f6c14106868591748051720

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_68312708405fc8866241451748051720
title_68312708406ec11626240521748051720
title_68312708407e26144057761748051720
title_68312708408d315515320221748051720

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com