WAQTIGA MA KA FAA,IDEYSANAA?
طريقة إستغلال الوقت ..
Waa yahan danbe dadka intiisa badan waxey awooda saaraan quutul yoomka dadka qaar waxaa dhacda ineysan eegin siduu ku soo galo maalku ,ma xalaal baa mise waa xaaraam... taasina waxey keentay in rabi barakada ka qaado waxyaabo badan oo dadka xayaatadiisu ku saleysneyd sida waqtiga, xoolaha cumriga, xaaska iyo caruurta, dhinaca kale waxaa jira dad rabi kheyrka la doonay oon dayicin waqtigooda iyo xayaatadooda, kuwaas ayaan qaar ka mida la kulmay, waxeyna ii cadeeyeen in aduunyo nadiifa iyo kheyrka la isku wadi karo, waxaan weydiiyey su,aalo dhowra, kadibna waxaan jeclaaday inaan idiin soo gudbiyo wareysigii aan la yeeshay qeybtiisii koobaad si aan dhamaanteen uga faa,ideysano arintan CALI waxaan ku weydiiyey goorma ayaad wadankii ka soo tagtay ? CALI : wuxuu iigu jawaaabay 1414h ama 1993m, Cali waxaan weydiiyey inuu iiga sheekeeyo mudaduu dibada ku soo maqnaa wuxuu qabtay? Cali oo sheekadii bilaabay waakane si fiican udhuux . Cali: Markaan wadankii ka soo baxayey waxaan niyeysnaa intaan labo sano gudaheed ku xamaasho inaan laabto, kadib markey taasi ii suuro gali weyday waxaan la tashaday wiil aan saaxiib aheyn oon ku aqaanay inuu kheyr ila jecel yahay, wuxuuna igula taliyey inaan waqtiga ka faa,ideysto, hadii shaqo la helo iyo hadii kaleba , wiilkaasi wuxuu igula taliyey inaan salaada subax muslimiinta la tukado kadibna aan xifdiyo maalin kasta shan aayadood kaliya taasina waxey dhashay inaan quraanka kariimka dusha kaga qabto mudo aad ugaaban 3sano iyo 6bilood iyo 7maalmood, taasina waxey ibartay in wixii lagu dadaalo laga meel keeni karo, illaahay amarkiis markaan quraanka bilaabay shaqo dagdaga ayaa rabi isiiyey, markaan quraanka bartay halkaas kuma istaagine waxaan bilaabay inaan tafsiirkiisa barto anigoo adeegsanaya cajaladaha sh.cumar faaruuq iyo kuwo kale, intaas waxaa ii dheeraa oon waqti siiyey cajaladaha lagu duubay muxaadarooyinka iyo kheyrka, waxaan isku taxluujiyey inaan aqristo wax alaale iyo wixii faa,ido ii leh , ilaa aan is iri waxbaad baratay , Cali maxaad Kula talin laheyd dhalinta dhulkeedii ka soo dhooftay een meherada la heyn? Cali : maantna waxaan ogaaday inay been tahay fikradii hore ee maskaxda igaga jirtay : (Waxbarasho iyo shaqo meel ma wada gali karaan) waxaan dhab ahaan utaabtay inay meel wada gali karaan hadii waqtiga la habeeyo, laakiin hadii habeenkii iyo maalintii lakala garan waayo, ama uusan qofku kutala galin inuu wax barto taasi daawo malaha ,daawadeedu waa inuu qofku dib uxisaabtamo. Sidaas owgeed dhalinta rag iyo haweenba waxaa iga talo ah in xirfad la yeesho, waa inuusan qofku dareemin firaaqo xataa haduu xabsi ku jiro, waa inuu qofku dareemo xikmada loo abuuray, runtii haduusan qofku is xisaabin wuxuu la mid noqonayaa xoolaha oo kale, maanta aduunka waxa lagu kala hormaray waa waqtiga, waqtigu waa qaali ee yaan la dayicin, waqtiga dhalinyaranimada inta badan dadku kama faa,ideysto , kuwa ka faa,ideystana waa kuwa maanta raaxeysanaya, xiliga dhalinyaranimadu waa xili uu qofku kasoo bixi karo wax kasata laakiin waxey ubaahan tahay is xilqaan iyo towfiiq xaga alle ka timaada, dhaliney maanta waxaad tihiin kuwa cid kasta raadineyso iney gacanta ku dhigto , gaaladu maanta waxey awooda saartay sidey dhalinta ku fasahaadin laheyd , ninkii xoole leh wuxuu doonayaa qof dhalin yaro ah oo u shaqeeya , haweenku waxey jecel yihiin ninka dhalin yarada , raguna saasoo sidaas darteed ugu horeyntii ogow inaad qiimo lee dahay kadibna ku dhaqaaq wixii rabi kuu abuurey. Allahayow tus dhalinta jidkooda adigaa qaadir ahe. Allahayow ummada diinta islaamka ku soo dabaal , C/QAADIR AKHII

logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Feed not found.

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1321595
Today
Yesterday
All days
403
2808
1321595
2025-11-07 04:23

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_690d74452d0fc15649264381762489413
title_690d74452d1d019238459211762489413
title_690d74452d2a715620163011762489413
title_690d74452d37421069543121762489413
title_690d74452d43f12985214431762489413
title_690d74452d5095049503021762489413

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_690d74452e19919640180341762489413
title_690d74452e26e18491029521762489413
title_690d74452e33c10691074321762489413
title_690d74452e40a4352462191762489413

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com