لماذا خلقنا ؟
MAXAA LA INOO ABUURAY?
إعداد / عبد القادر شيخ محمد أخي
This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
Waa su,aal cid walba isweydiiso,laakiin jawaabteeda lagu kala tagey, dadbaa waxey dheheen waxaa naloo abuuray inaan aduuka ku raaxeysano, qaarna waxeyba inkireen in la abuuray, qaar kalena ma fahmin xikmada loo abuuray, kuwo kale oo badana wey fahmeen laakiin wey ka madax taageen, dhamaan kuwaan soo sheegnay iyo kuwo kale oo badan wey khasaareen aakhiro iyo aduun.
khasaaradaas Waxaa ka badbaaday kuwii fahmay xikmada loo abuuray, kuwii yiri : ciyaar nalooma abuurin ee waxaa naloo abuuray cibaado.. Allaah subxaanahu watacaalaa inaga dooni maayo arsaaq iyo in la quudiyo, Allaah in wax la taro iska dhaafe , isagaa wax ina tara..
قال الله تعالى : ( وما خلقت الجن والإنس إلا ليعبدون ، ما أريد منهم من رزق وما أريد
أن يطعمون ، إن الله هو الرزاق ذو القوة المتين ) الداريات الآيات 56-68
Cibaadadu:waa wax kasta oo uu allaah jecel yahay raalina ka yahay, ha ahaato hadal ama ficil muuqda ama aan muuqanin. Kuwii badbaaday waxey yiraahdeen cibaadaas ayaa nala faray ilaa aan allaah ka la kulano ..
قال الله تعالى : ( واعبد ربك حتى يأتيك اليقين ) الحجر :99
Ikhwaanii waad ujeedaan sida aduunka loogu kala jabay, dad allaah ayey si dhaba u caabudeen , kuwana intey taladii gacantooda ka baxday ayey waxey garan waayeen xikmada loo abuuray , hadaba sida aduunka loogu kala baxay ayaa qiyaamaha loogu kala baxi doonaa , qof walbana aduunka wuxuu ku kasbado ayuu hadhow aakhiro ugu tagi, aduunka bangiga ku yaala cidaan wax dhiganin , heli meyso hadhow waxey galaas biyo ah ku iibsato ..
Xaqiiqadii dadka aduunka jooga waxey uqeybsami doonaan labo kooxood, koox ahlu naara iyo mid jano gasho ah, mid walbana waxey jeclaan in aduunka lagu celiyo , tii naarta gashey waxey rabi iney sahay usoo qaadato aakhiro, tii ahlu janada aheydna waxey jeclaan iney cibaadada soo badsato si ay kor usii ahaato, laakiin axadkii dhinta ma soo laabto-lama soo nooleeyo- ilaa qiyaamaha laga gaaro, aniga iyo adiga hada waxaan heysanaa fursad aysan heysan kuwa dhulka hoostiisa ku jira ,, ee maka faraqabsanaa wixii la inoo abuuray?.. Rabi ha ina tuso xikmada la inoo abuuray Aamiin yaa Rabil-Caalamiin ..
هذا وصلى الله وسلم على نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين ..

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1737798
Today
Yesterday
All days
1221
1629
1737798
2026-05-24 17:51

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6a133a9c26d9811947998391779645084
title_6a133a9c26de814661992781779645084
title_6a133a9c26e3317210394621779645084
title_6a133a9c26e7e19172204651779645084
title_6a133a9c26ec818974155821779645084
title_6a133a9c26f131934301501779645084

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6a133a9c39e1610802782411779645084
title_6a133a9c39e6413359391261779645084
title_6a133a9c39eb019485926381779645084
title_6a133a9c39efb7262599591779645084

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com