176- {dahaba addamau wabtallatilcuruuqu, wa thabatal ajru in shaa allaah}.
“oonkii wuu tagay, xididadiina wey
qoyeen, ajirkiina wuu sugnaaday inshaa
alaah”.

177- { allahumma innii as-aluka biraxmatika allatii wa sicat kulla shay-in an
taqfira lii)).
< allow anigu waxaan kugu
waydiisanayaa naxariistaada, taasoo
deeqday wax kasta, inaad ii dambi
dhaafto > .
69.Ducada cuntada ka hor.

178- { haddii cuno midkiin cunto
ha yiraahdo:bismillaah, haddii uu
halmaamana marka ugu horaysa ha
dhaho{bismillaahi fii awwalihi wa
aakhirihi}.
“magaca ilaahay ayaan ku bilaabayaa
bilowgiisa iyo aakhirkiisaba”.

179- {allahumma baarik lanaa fiihi, wa
adcimnaa khayran minhu} {allahumma
baarik lanaa fiihi, wa zidnaa minhu}
< qofkii uu ilaahay quudiyo quud ha
yiraahdo: allow noo barakee, naguna
quudi wax ka khayr badan>>
< qofkiiuu ilaahay waraabiyana caano
ha yiraahdo: allow noo barakee, noona
korddhi (siyaadi) <> .

70- Ducada marka la dhameeyo cuntada.

ِ180- {alxamdu lillaahi alladii adcamanii
haadaa warasaqaniihi min qayri xawlin
minnii walaa quwwah}
“waxaa mahad leh allihii igu quudiyay
quudkan, iguna irsaaqay, iyadoon
jirin xeelad iyo awood xaggayga ka

181- { alxamdu lillaahi xamdan kathiiran
dayyiban mubaarakan fiihi, qayra makfiyin walaa muwadacin, walaa mustaqnan
canhu rabbanaa}.
< Mahad ilaahaybaa leh, wuxuuna
leeyahay mahad badan oo wanaagsan oo
barakaysan, oo aan laga maarmi karin,
lagana tagi karin, lagana deeqtoomi karin
rabigayagow>> .
71. Ducada martidu ku dhahdo ninka
soorya.

182-{allaahumma baarik lahum fiimaa
rasaqtahum, waqfir lahum warxamhum}
“allow u barakee waxa aad ku irsaaqday,
una dambi dhaaf una naxariiso”.
72- Ducada haddii uu doono cunid ama
cabbid.
َ183- {allahumma adcim man adcamanii
wasqi man saqaanii}.
“allow quudi qofka i quudiyey , waraabina
qofka i waraabiyay”. 73- Ducada haddii
uu ka afuro reer.

184- {afdara cindakum assaaimuun, wa
akala dacamakumul-abraar, wa sallat
calaykum al-malaaikatu}.
< ha idinka afureen dadka soomani, hana
cuneen cuntadiina baariyaalku, hana
idinku sallido malaaigtu > .
74- Ducada qofka soomani dhihi lahaa
haddii cunto lakeeno isagoo wali afurin.

185-[ haddii loo yeero midkiin ha ajiibo,
haddii uu soomanyahayna ha duceeyo,
haddii uu afuranyahayna ha cuno] .

 

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1630204
Today
Yesterday
All days
913
1745
1630204
2026-04-03 10:07

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_69cf915d2f35411956770271775210845
title_69cf915d2f3a518187727541775210845
title_69cf915d2f3f210581330321775210845
title_69cf915d2f43e5134052361775210845
title_69cf915d2f4b0607638631775210845
title_69cf915d2f4fd3652002511775210845

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_69cf915d426bc11294913981775210845
title_69cf915d4270f90747571775210845
title_69cf915d4275e10263392731775210845
title_69cf915d427ab5017126291775210845

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com