Hordhac
Mahadda ilaahaybaa leh, isaga
ayaan mahadinaynaa, kaalmo iyo danbidhaafna waydiisanaynaa, waxaana
uga magan galaynaa ilaahay shararka
nafaftayada, iyo xumaanta camaladana,
qofkii ilaahay hanuuniyana wax lumin
karana majiro, qofkii uu lumiyana wax
hanuunin kara majiro. waxaan qirayaana
inuu san-jirin ilaah xaq lagu caabudo
ilaahay mooyee, kaligiina wax lalama
wadaago, waxaan kaloon qirayaa in
nabi muxammad yahay adoonkii ilaahay
iyo ergaygiisii, naxariis iyo nabad galyo
korkiisa ha ahaatee isaga, ehelkiisa,
asxaabtiisa iyo kuwii ku raacay wanaag
ilaa maalinta qiyaamada.
Intaa kadib:
Kani waa kitaab gaaban, oon ka-
)15(
soo gaabiyey kitaabkaygii ku magac
baxay{addikru wadducaa wal-cilaaju
birruqaa minal kitaabi wassunnati}
waxaana kasoo gaabiyey kitaabkan
qeybtii ducooyinka, si uu u noqdo khafiif
la qaadan karo safarada. Waxaan
ku ekaadayna ducooyinka kaligood,
axaadiistoodana waxaan ku kaaftoomay
inaan u saleeyo hal iyo labakitaab qofkii
doonaya aqoon korarsi xaga xadiiska
iyo saxaabiga wariyeyna, ha u noqdo
kitaabkayga aan kor ku xusay.
ilaahay waxaan ku waydiisanayaa
magacyadiisa wanwanaagsan, iyo
tilmaamihiisa sareeya, in uu ka yeelo
{kitaabkan} mid loola jeedo wajigiisa
wanaagsan, iyo in uu igu anfaco
camalkan nolashayda iyo geeridaydaba,
iyo in uu ku anfaco qofkastoo akhrista,
)16(
ama daabaca, amase sabab u noqda
faafintiisa, allaha ka hufan xumaanta
ayaana awood u leh inuu naga aqbalo
arintaas.
Naxariis iyo nabadgalyana ha ahaato
nabigeena muxammad s.c.w , ehelkiisa,
asxaabtiisa iyo qof-walboo ku raacay
wanaag ilaa maalinta qiyaamada.
Qoraaga /Waxaa laqoray bishii safar ee
sanadka hijriga 1409.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1630736
Today
Yesterday
All days
1445
1745
1630736
2026-04-03 11:27

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_69cfa434a8dd51464924301775215668
title_69cfa434a8e2919721883311775215668
title_69cfa434a8e741580620141775215668
title_69cfa434a8ec04730822961775215668
title_69cfa434a8f0b21243966571775215668
title_69cfa434a8f5619623282261775215668

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_69cfa434da1be9035306471775215668
title_69cfa434da20e12340654881775215668
title_69cfa434da25b3290470311775215668
title_69cfa434da2a66197532881775215668

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com