YAA KU DAYASHO MUDAN?!
Marka aynu doonayno inaynu helno qof aynu kaga dayano nolosha dhinacyadeeda kala duwan oo aynu (Role Model) ka dhigano, noloshana hormar balaaran ka gaaray ayaad u malaynaysaa inuu Nebbi Muxamed scw ka mudan yahay?
Dadka qaar waxay u haystaan in Quraanka kariimka ah iyo Sunadii Rasuulku tahay cilmi aan masaajidka dhaafin oo aan ka waramin wax dhaafsiisan cibaadada ilaahay iyo ka waranka maalinka Qiyaame laakiin arrintu intaa way ka gun weyn tahay.
Waxaa soo batay wakhtiyadan dambe dadka dhiirigalinta ka shaqeeya (Motivators).
Waa wax lagu farxo,wax-kasta oo bulshada u soo siyaadaana ; waa baraare iyo bashbash hormarka wadankana ka qayb qaadanaya.
Hase-ahaatee,horaa loo yiri "Nimco walba nusqaanteeda leh".
Waxaad moodaa in badan markay dadka ku dhiirigalinayaan Guusha (Success) sida loo gaaro inay dhiirigalintoodu badanaa ku eg tahay dunidan afarta maalmooda.
Aayadani waa inay in badan qalbiyadeena ku jirtaa:
(كُلُّ نَفْسٍ ذَائِقَةُ الْمَوْتِ ۗ وَإِنَّمَا تُوَفَّوْنَ أُجُورَكُمْ يَوْمَ الْقِيَامَةِ ۖ فَمَن زُحْزِحَ عَنِ النَّارِ وَأُدْخِلَ الْجَنَّةَ فَقَدْ فَازَ ۗ وَمَا الْحَيَاةُ الدُّنْيَا إِلَّا مَتَاعُ الْغُرُورِ )
(Naf kasta Geerida way dhadhamin,waana loo oofin waxay shaqaysatay maalinka dambe, qofka laga badbaadiyo Naar ee janno gala ayaa guulaystay,nolosha adduunyaduna may ahaan ilaa wax yar).
Guusha dhabta ahi waa ta aakhiro inaga oo aan adduunyadana ka tagayn oo ka shaqaysanayna laakiin qalbiga yayna inaga dagin ee gacanta ha inaga ahaato.
Daciifnimadda ummadda Islaamka haysataa waa in dad aynaan isku diin ahayn u daba fadhiisano nolosheena oo dhan haday tahay:- waxaynu cunaynay,waxaynu xiranaynay,waxaynu adeegsanayno,dhaqaalaheena halka aynu gelinayno,hubka la adeegsado,dawada wax lagu daaweeyo iyo shey kasta oo noloshu ku xiran tahay.
Markaan nuxurka maqaalkan usoo gundo deggo dadka guusha gaaray marka tusaale loo soo qaadanayo waxaad ka maqlaysaa inta badan magacyo dad aan badankoodu diinta Islaamka ah heysan oo nimcadan iyo barwaaqadan ka qatan ay ka mid yihiin:-
Bill Gates,Mark Zukerberg,Thomaz Edison,Morgan Freeman,Jack Ma,Nic Vujinic iyo qaar kale oo badan.
Ma kuwaas baa ka mudnaaday Nebi Muxamed scw bal eeg aayadan:-
(لَّقَدْ كَانَ لَكُمْ فِي رَسُولِ اللَّهِ أُسْوَة ٌحَسَنَةٌ لِّمَن كَانَ يَرْجُو اللَّهَ وَالْيَوْمَ الْآخِرَ وَذَكَرَ اللَّهَ كَثِيرًا)
(Xaqiiqee, waxaa idinku sugnaatay Rasuulka Alle ku dayasho mudan,waxayna ugu sugnaatay ciddii rajaynaysa Alle iyo Maalinka dambe,Allana inbadan Xusa).
Hormarka uu Nebi Muxamed scw ka gaaray adduunyada cid ka gaartay ma jirto cid dib uga gaari doontaana jirri mayso.
Bal suurayso qof kaliya oo loo soo diray inuu badalo bulsho leh;dhaqan,diin,caado iyo nolol soo jireen ah awoow ilaa ka awoow.
Aan wadan garab,gaashaan,wehel,hub,ciidan,maal,madaxnimo iyo wax kasta oo bani'adam lagu khasbi karo ama lagu soo jiidan karo.
Wuxuuna guuleystay quuluubta Balaayiin qof oo dariiqiisa xaqa ahaa raacay, wuxuu xaqiijiyey hadaf aan qofna xaqiijin.
Xataa Taariikhyahanada aan Muslimiinta ahayn ayaa ka markhaati kacay guushii Nebi Muxamed scw:-
Michael Hart ayaa qoray sannadkii 1978-kii buug uu ugu magac daray "The 100 most influential persons in History" Boqolka qof ee dunida ugu saamaynta badan.
Nebi Muxamed scw wuxuu u doortay shakhsiga ugu saamaynta badan taariikhda adoomuhu intay soo taxnayd isagoo ka hadlaya doorashadiisa uu kow kaga dhigayna wuxuu yiri:
"Doorashadayda aan Muxamed u doortay inuu hogaamiyo dadka dunida ugu saamaynta badan way is waydiin doonaan dad badani,wayna la yaabi doonaan akhristayaal badani laakiin waa qofka kaliya ee si weyn taariikhda hormar uga gaaray dhinac kasta".
Hormarka iyo guulaha lama ilaawaanka ah ee uu soo hooyay Nebigeeni Muxamed scw maaha mid lagu soo koobi karayo afar eray oo maqaal lagu qorro waxay u baahan tahay malaayiin bog in lagaga hadlo.
Ugu dambayn,ayaa ka mudan Nebi Muxumed oo tusaale lagu deydo loo soo qaadan karaa?
Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1737512
Today
Yesterday
All days
935
1629
1737512
2026-05-24 17:09

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6a1330e6210c817575776841779642598
title_6a1330e62112c21179645021779642598
title_6a1330e62118d5802540491779642598
title_6a1330e6211d47138928631779642598
title_6a1330e62122e837376631779642598
title_6a1330e62128c556046711779642598

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6a1330e63e07b4716977251779642598
title_6a1330e63e0cc20117949761779642598
title_6a1330e63e11914243062181779642598
title_6a1330e63e16420040283721779642598

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com