NIFAASKA :
Nifaasku waa dhiigga umulaha ka yimaada haddii ilma nool, mid bakhti ah ama mid aan dhamays ahayni uu dhasho intaba. Muddadiisa: Dhiigga noocan ah isaguna ma laha muddo la odhan karo waa muddada ugu yar ee u xadidan. Wuxuu joogsan karaa isla markiiba, ama umulaha qaarkood dhiigba kama yimaado. Sidaas darteed, kuwaasi waa inay tukadaan, soomaan iwm., iyagoo ka tilmaan qaadanaya hadba xaaladdu siday tahay. Waqtiga ugu dheer ee culimadu sheegatay inuu dhiiggaasu socdona waa afartan maalmood. Ummu Salamah waxa laga soo weriyey inay tidhi: “Cahdigii Rasuulka Salallaahu caleyhi wasalam umuluhu waxay fadhiyi jireen afartan maalmood.” (Shanta Imaam ayaa soo weriyey an-Nasaa'i mooyee).
At-Tirmidi oo Xadiiskaa ka faalooday wuxuu yidhi: Asxaabtii Nebiga Salallaahu caleyhi wasalam kuwoodii ahlul cilmiga ahaa iyo Taabiciintii ka dambeeyay waxay isku waafaqeen in haweenka umulaa ay afartan maalmood salaadda ka joogaan. Haddii afartan maalmood ka hor dhiiggu ka joogsado umushu way maydhanaysaa (qusul) isla markaana tukanaysaa. Haddii ay waxoogaa dhiig ah aragto afartanka maalmood ka dibna, culimada badankoodu salaadda in aan la joojin ayay qabaan.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1737512
Today
Yesterday
All days
935
1629
1737512
2026-05-24 17:09

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6a1330e6210c817575776841779642598
title_6a1330e62112c21179645021779642598
title_6a1330e62118d5802540491779642598
title_6a1330e6211d47138928631779642598
title_6a1330e62122e837376631779642598
title_6a1330e62128c556046711779642598

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6a1330e63e07b4716977251779642598
title_6a1330e63e0cc20117949761779642598
title_6a1330e63e11914243062181779642598
title_6a1330e63e16420040283721779642598

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com