FIQHI CIBAADAAT


 twahara


QUSULKA HAWEENKA

Qusulka haweenku waa la mid ka ragga. Hase yeeshee, dumarka waxa u bannaan in aanay timaha tidcan (daban) furfurin haddii ay biyuhu gaadhayaan timaha guntooda. Sidaa wuxuu Rasuulku salallaahu caleyhi wasalam inoogu caddeeyay Xadiis Ummu Salamah (Ihkra) laga soo weriyey inay gabadhi waydiisay Rasuulka Alle salallaahu caleyhi wasalam oo tidhi: “Rasuulkii Allow waxaan ahay gabadh timaheedu tidcan yihiin miyaan furfuraa markaan jinaabada ka maydhanayo? Wuxuu yidhi: “ Maya, waxa kugu filan inaad saddex goor baabacooyinka muggood oo biyo ah ku shubto madaxa, dabadeetana aad jidhka intiisa kale maydho. Markaad sidaa fasho daahir ayaad tahay.” (Axmad iyo Muslim ayaa soo weriyey iyo at-Tirmidi oo yidhi waa xasan Saxiix)

Cubayd bin Cumayr (Ihkra) wuxuu yidhi: “Waxa Caa’isha (Ihkra) soo gaadhay inuu Cabdullah bin Cumar haweenka farayo inay timaha tidcan furfuraan markay qusul samaynayaan. Waxay tidhi: Waa arrin layaab leh inuu Ibnu Cumar haweenka ku amro inay timaha tidcan furfuraan markay qusul maagaan. Muxuu ugu amri waayay inay xiiraanna? Aniga iyo Rasuulku salallaahu caleyhi wasalam waxaanu ka wada maydhan jirnay weel keliya, kamanaan badin jirin saddex sacab oo biyo in aan madaxayga ku shubo.” (Axmad iyo Muslim ayaa soo weriyey).

Waxa mustaxab ah haweenayda xayd ama nifaas ka maydhanaysa inay cudbi yar ama wax la mid ah cadar mariso oo ay meelihii dhiiggu maray la raacdo si ay urta dhiiggu uga tirtiranto. Caa’isha (Ihkra) waxa laga soo weriyey inay Asmaa’ bint Yaziid Nebiga salallaahu caleyhi wasalam ka waraysatay qusulka gabadha xaydka leh. Wuxuu yidhi: “Waxay ku maydhanaysaa biyo celeen gob leh, waanay weysaysanaysaa, dabadeetana biyaha ayay madexa ku shubaysaa oo xoog ugu masaxaysaa ilaa ay biyuhu timaha guntooda gaadhaan. Kabacdina biyaha ayay isku gediyaysaa, dabadeetana cudbi cadar leh ayay isku nadiifinaysaa.” Asmaa’ waxay tidhi: Siday isgu nadiifinaysaa? Wuxuu yidhi: “Subxaanal-Laah! Way isku nadiifinaysaa.” Caa’isha oo codka hoos u dhigaysa si ay u qariso ayaa tidhi: Meelihii dhiiggu maray ayay la raacaysaa. Waxay Asmaa’ haddana waydiisay qusulka jinaabada. Wuxuu yidhi: “Biyo intoo ay qaado ha isku nadiifiso nadaafad buuxda ama dhamays-tiran (weyso). Dabadeetana biyaha madexeeda ha ku shubto hana ku masaxdo ilaa ay biyuhu timaha guntooda gaadhaan. Kabacdina jidhka oo dhan biyaha ha ku shubto.” Caa’isha ayaa markaa tidhi: Haweenka waxa u fiican haweenka Ansaarta., Xishoodkooda badani kama joojiyo inay Diintooda ku xeel dheeraadaan.” (Jamaacada ayaa soo werisay marka laga reebo at-Tirmidi).


logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1630121
Today
Yesterday
All days
830
1745
1630121
2026-04-03 09:52

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_69cf8dc1bf4df19350718511775209921
title_69cf8dc1bf52e20841087231775209921
title_69cf8dc1bf57c2521915201775209921
title_69cf8dc1bf5c65387513681775209921
title_69cf8dc1bf61019658193131775209921
title_69cf8dc1bf65910942181601775209921

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_69cf8dc1d37203587765161775209921
title_69cf8dc1d377020021300471775209921
title_69cf8dc1d37bd7498881871775209921
title_69cf8dc1d38098421946391775209921

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com