DADKA CUDURDAARKA UHEYSTA INEYSAN SOOMIN 
Allaah wuxuu u rukhseeyey dhowr qolo oo dadka ka mid ah inay iska afuraan Ramadaanka khafiifin iyo naxariis iyo u sahlid darteed iyaga, waana kuwan:
1. Qofka jirran uu dhib ka soo gaarayo soonka, waxaa u bannaan inuu afuro oo qalleeya maalmahaasi lagu yeesho Ramadaanka kaddib.
2. Qofkii kari waaya soonka da’ weyni darteed ama jirro aan laga rajo qabin inuu ka caafimaado, markaa waxaa u bannaan inuu afuro oo quudiyo maalin kasta miskiin uu siiyo kilo iyo bar raashinka laga cuno beledka.
3. Haweenta qabta dhiigga xaylka – caadada- iyo dhiigga dhalmada, waxaa ka xaaraan ah labadaba soonka, mana ka ansaxayo, waxaana saaran inay qalleeyaan Ramadaanka kaddib (Eeg bogga 104)
4. Haweenta uurka leh iyo tan ilmaha nuujineysa, hadday ka baqaan dhib soo gaara naftooda ama ilmahooda way afuri karaan, oo qalleynayaan maalmahaas.
5. Qofka Musaafirka ah inta uu ku jiro safarkiisa, iyo ku negaanashaiisa meel si ku meel gaar ah muddo ka yar afar maalmood, qofkaasi waa u bannaan tahay inuu afuro oo qalleeyo maalmahaasi Ramadaanka kaddib.
Allaah Kor wuxuu yiri:
“Oo qofkii buka ama safar ah waxaa saaran isla tiradii (maalmahii uusan soomin oo uu gudo) maalmo kale. Allaah wuxuu idin la rabaa fudayd, oo idinlama rabo culays” (Al-Baqarah: 185)

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1737950
Today
Yesterday
All days
1373
1629
1737950
2026-05-24 18:07

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6a133e719641d19891752081779646065
title_6a133e719646d3263929281779646065
title_6a133e71964ba10738125571779646065
title_6a133e719650a919963291779646065
title_6a133e71965568832117031779646065
title_6a133e71965a213735441971779646065

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6a133e71aa63d4993820121779646065
title_6a133e71aa68e18774601381779646065
title_6a133e71aa6db9530960491779646065
title_6a133e71aa7296632955661779646065

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com